Puntland Waa in Deg Deg loo Badbaadiyaa

0

Shalay oo ay taariikhdu ahayd 30/07/2014 waxaa Xamar lagu saxeexay wax loogu yeeray heshiis lagu dhisayo maamul ka kooban Mudug iyo Galgaduud. Hadaba arrintaasi waxay yeelan kartaa  laba u jeedo  oo kali ah, waana sidatan.

1)      In Puntland maalin cad la boobay,  iyadoo aad moodo in  qolyaha Xamar ay hada ku leeyihiin Puntland gacan yare u fududeeya hawlohooda,  kalsooni buuxdana ku qabaan waa Dr Gaas oo ba noqday marin ay u soo maraan burburka ay ku hayaan Puntland.

2)       In dastuurkii lagu heshiiyey lagu tuntay, kaasoo dhigaya laba Gobol iyo wixii ka badan in ay noqon karaan xubin federal: ka ah.

Waa tan koowaade waxaynu la soconaa laba dhacdo oo ugub ku ahaa siyaasada Puntland oo Dhacay inta uu xukunka hayey Dr Gaas kan lala wada yaaban yahay ee loo doortay in uu hogaamiyo Puntland. Waxaa dhacday in maamulka qayb kamida xaafadda Baraxley uu markii ugu horaysay taariikhda magacaabay dad ka soo jeeda Puntland kuwaasoo aqbLay taas (ileen Jirri meel walbay joogaane ). waxay ahayd in arrintaas Puntland ficil adag ka qaadato oo ama laxiro ninkaas, burcad badeedka ah ee iibsaday guri ku dhex yaala xaafadda Garsoor, iyo waliba  in si dhab ah loola xisaab tamo ninka madaxda u ah xaafada Baraxleey.  Intuba madhicin cidina waxba kamay soo qaadin arrintaas.

Waana tan keentay in arrintii sidaas ahayd sii socoto oo shalay nin ka soo jeeda  puntland   oo wasiir ka ah dowlada Xamar uu wax ka saxeexay waxa loogu yeeray maamulka goboladda dhexe. Midaas oo su,aal badan ka taagan tahay.

In maalin cad la boobay Puntland waxaa kaloo markhaati ka ah in khudbadii xassan sheekh ee jees jeeska  ahay uu marna ku amaanay maamul isaga la shaqeeya oo  cadaadis kasta oo la saarayna u dhabar adaygay (Dr Gaas!!!), isagaa  marna ku dheeraaday in uu sharaxo in ayan Puntland  wax u dhimaynin maamulka la dhisayaahi  iyadoo  loo wada jeeday in saxiixayaasha ay ka mid ahaayeen rag u dhashay dagmooyin ka tirsan Puntland.

Waxaan hubaa in haddii Gaas la waydiiyo waxa uu ka og yahay  arrintaas in uu dhihi lahaa waa la ogaa sidii caadada u ahayd, tusaale magacaabidii Caasha Geelle iyo arimo kale oo badnaa oo inta reer Puntland la yaabeen marka ay waydiiyeen uu ku jawaabay waa la ogaa.    

Waa midda labaade hadiiba  la dhihi lahaa waxaa maamul ku sheegaas laga wadaa koonfurata Mudug . waxaa mar labaatanaad la jebiyey dastuurkii lagu heshiiyey . Ilaahoow maa iyana la waydiiyo Dr Gaas waa hubaa in uu oran lahaa,  sidii uu Baarlamaanka Puntland ka hor sheegay in  Dastuurkaas innagu shaqo ku lahayn oo aanu  nahay gobol ka mida Soomaaliya, oo arrinta dastuurka u xil saaran yihiin  xildhibaanada Soomalia. Marka hadal iyo dhamaantiis madaxwynaha Puntland wuu  la ogaa Xasan Culusooow.

 

Baaq iyo talo ku socota reer Puntland

Wxaan ka codsanayaa ama u soo jeedinayaa  reer Puntlad, khaasatan inta aan u ordayn ama u taaganayn hungurigooda ama maxaan cunaa,  Dr Gaas waad ku khatalanteen, Puntlandna wuxuu ku wadaa wadadii bur-burka iyo inuu albaabada u furo in ninwalbaa intuu doono xantoobsado. Bal day Sool bal day Sanaag oo hadana ma Mudugbaa? Waxaa idinla gudboon inta goori goor tahay oo aan la idin dhaxalsiin burbur aydaan ka soo waaqsan, iska qabta Gaas.  Dr Gaas wuxuu gacan yare u yahay qolyihii Federal iyo Puntland diidka ahaa, waaba uu yahayoo shaki kuma jiree.

424

425

Oo hadda berri reer Puntland maxay u dabaal degayaan hadiiba dhulkii sidan loo burburinayo oo dadkii la doortay ay yihiin mindi daabkeedii ninkale haysto.  Mise waxaynu u dabaal degeynaa in aynu ku xayaysiino oo weyneyno ”Campaign: ka ) beenta ah iyo fartaagida  sidii ”dictator ” kii  uu Gaas masawirdiisa darbiyada ku xardhay?.

Waxaa la joogaa waqtigii aynu dabaaldag u kaadsanlahayn oo  aynu u istaagi lahayn (mudaharaadno) sidii aynu usoo cesheno sharafteenii aynu godka kutuuray 08/01/2014.

 

195

W/Q: Maxamed Saliid Calisamey

Email: mxsaliid@gmail.com

Daabacaada: Puntlandes.com

About The Author

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *