Puntland Ma Beecbaa, Ciidankeeduse Ma Caaglaa?

Waxaan dhageystay Khudbadii Madaxweyne Dr.Cabdiweli Gaas ee uu ka jeediyey xafladii ganacsatada reer Puntland ugu qabteen Nairobi Halkan ka daawo ama ka akhri. Khudbaas waxaan ku tilmaami karraa in ay ahayd tii ugu daacadsanayd ee uu jeediyo tan iyo intii la doortay.

Marka la dhuuxo hadalada madaxweynaha waxaa kuu soo baxaysa in uu qiraal ka ahaa qoraalo badan oo aan ku daabacnay warbaahinta Puntlandes oo ka faalood arrimo xukumadiisu si kusooboodda ah go, aan uga qaadatay iyo kuwo xambaarsan been iyo jaah wareerin bulsho. Arrimahaas oo ay ka mid yihiin.

  • Dhismayaasha kaabayaasha dhaqaalaha
  • Dhaqaalaha dalka
  • Dibuhabaynta shaqaalaha iyo Caddaaladda

Markaan usoo noqdo dulucda qormadan, wuxuu madaxweynuhu ka hadlay

Dhismaha wadada Ceerigaabo iyo Ceeldaahir oo markii fikirka la keenay loo dhigay in Dawladdu dhisayso wadada. Taas oo markii lasoo bandhigay qorsha ay caddaatay in mashruuca oo dhami uu dusha ka saaranyahay bulsho weynta Puntland. Arrintaas oo aan XUMAYN balse ay ahayd in la sheego inuu mashruuc dadweyne yahay oo uusan ahayn mid xukuumadeed. Qorshuhu wuxuu dhigayey in wajiga horre oo ah 220 KM ay ku baxayso 2M$, 70% ay bixinayaan shacabku. Halka 30% ee sooharayna ay bixinayaan isla shacabku (iyadoo taas la siiyey, Xukuumadda!!) iyadoo Canshuurta lagu kordhiyey, badeecadahaan.

1) Ari calaa neefkii la dhoofinayo $0.25

2) Lo’ /Geel calaa neef la dhoofinayo $1.00

3)  Ganacsatada alaabooyinka kale Badeecadaha kale dhoofin & soo dejin waxaa laga jarayaa 3% canshuurta dawladda.

4) Post-paid (Telefoonnada biilka lagu dallaco bishii) $1.00

5) Pre-paid (Telefoonnada lacagta lagu shubto) $0.25

6) Ardayda dhigata jaamacadaha calaa qof halkii simister $5.00

7) Ardayda dugsiyada sare calaa arday bishii $1.00

8) Ardayda dugsiyada dhexe/hoose calaa arday bishii $0.5

Halkan marka la eego waxaa xukuumadda uga soo xaroonaysa LACAG AAD UGA BADAN tan ay isku qoreen oo ahayd 0,6M$. Marka la eego xoolaha keliya waxaa puntland ka dhoofa (sida maamulka maxjarrada iyo dekeduba sheegi jireen ) 0,75M ilaa 1,00 M oo neef sanadkii, taas oo ku siinaysa, lacag gaaraysa  Ari = 0,25 x 0,75/1,00 = 0,19M$/025M$ halka Geel/Lo ay soo baxayso =  0,75M$/1,00M$. intaas oo ay DHEERTAHAY BADEECADDA SOO DEGTA OO DHAN OO LAGA QAADAYO 3% QIIMAHA/CULAYSKA/TAYADA. Iyo inta ka hoosaysa liiska kore oo dhan, Halkan ka akhri QORAAL ay Warbaahinta Puntlandes horay uga qortay mawduucan.

Taasi waxay ku siinaysaa in qorshe kale ku hoos naban yahay, qorsha waddo dhisidda.

Madaxweynuhu wuxuu qirtay in uusan mashruucu ku dhamaan Karin inta uu issagu xilka hayo. Issagoo taas sharaxayana wuxuu yiri “you have to dream”

Taas waxaan leeyahay waa dhab, laakiin waa in ay daacadnimo ku lamaan tahay oo aysan meesha ku jirin “campaign” waqtigiisii dhamaaday iyo is muujin been ah, kana maran tahay musuq-maasuq iyo lacag urursi.

Wuxuu kaloo madaxweynuhu run ka sheegay dhismaha dekedda. Taas oo uu yiri waxaan siiyey nin maalqabeen ah, oo uu waliba yiri waxaan ka codsaday in uu ku daro dekedda Garacad, bal fasira! ereyga nin maal qabeen ah!! Oo markaas u barbar dhig, lacagta la sheegay in ay ku baxayso mashruucaan oo ah = 210M$.

Haddii la is weydiiyo in qof caadi ah uu lacagtiisa ku bixin lahaa meel shaki ku jiro in ay ugasoo noqonayso? Oo waliba lacag intaa fara leg ah. Waxaad la wada socotaan in sharikado aan shakhsi ahayn ay uga guureen Puntland shakiga ku jira sharciyaddeeda (Horn petroleum).  Jawaabtu waa maya, hadaysan  meesha ku jirin khiyaano kale oo qarsoon (Qorhse, Qorshe kale ku hoos naban yahay).

Waa maxay waxa uu ka helayaa issagu, ninkan lacagta intaas fara le,eg ee jeebkiisa ah khasiraya?  Ammaa laga iibiyey ninkaan wax uga wanaagsan oo uu inta uu joogo Cabdiweli Gaas ka heli karo lacagtiisii iyo faa,iido uga badan, Laakiin dhib iyo musiibo ku tahay, shacabka reer Puntland? Ogoow oo ha iloobin eraygii madaxweynaha ee uu lahaa “ the highest risk, the highest rewards” . haday sidaas tahay arrini waxaa loo baahan yahay in golaha wakiiladu la xisaabtan dhab ah iyo control la yimaadaan.

Wuxuu madaxweynuhu si dahsoon u qirtay daryeel la,aanta ciidamada, issagoo taa ka hadlayana wuxuu ciidanka ku tilmaamay Caaglayaal!!!.

Waxaynu wada ogayn in uu ka hadli jirey reforms xagga ciidamadda ah. Hadaba sidee madaxweynuhu ku ogaaday in ay jiraan qayb ciidamada ka tirsan oo ah Caagleyaal?? Erayga Caagle, waxaa hore u isticmaalay Siilaanyo oo markaas sharaxayey kala derejeyntii ciidamada, iyo abuuridii qaybaha kala duwanaa ee ciidamada. Haddaba inta laga helayo tiro iyo habraac sax ah, oo intaas naloo sheegayey in lagu guda jiro samaynteeda, ama aanay jirin si kale oo uu madaxweynuhu ku kala garto Ciidanka, kuwa qalma in la dhaqaaleeyo iyo kuwa aan istaahilin. Waa meel ka`dhac  iyo caddaalad darro lagu sameeyey ciidanka harr iyo habeen u taagan difaacidda dadka iyo dalka Puntland. Tollow ma waxaa Caagleyaal ah ciidankii mudaharaadayey ee xerada 54 baa, ma kuwii ka soo gadoodey Tukaraq baa, ma kuwii daryeel la,aan awgeed,  soo baneeyey Galgalaa, ma kuwa Godad, baa misse waa kuwa madaxtooyada ee dambiileyaasha maxkamadaha kala baxayey, baa? Waxay ilatahay in madaxweynaha laga sugayo jawaabta Caagleyaasha.

1474

W/Q: Maxamed Saliid Calisamey
Email: mxsaliid@gmail.com

Daabacaada:Puntlandes.com

About The Author