Daawo Video Dhamaystiran: Qodbadii GAAS ee Nairobi “Nin Ganacsade ah ayaan Qandaraaska Dekeda Bosaso siinay, DP World ma huba inay noo dhisi lahayd..”

25 july 2015 (Puntlandes) Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali GAAS oo booqasho ku joogay Dalka Kenya Todobaadkii hore ayaa wuxuu Nairobi kula yeeshay Ganacsatada ka soo jeeda Puntland ee ku nool Kenya.

32a

GAAS ayaa ka hadlay sidii lagu bartay Reformyada ay dawladiisu sheegaysay inay waday ilaa markay xilka la wareegtay ee janaayo 2014 kuwsoo ahaa:

  1. Shaqaalaha: wuxuu sheegay inuu wajiga 1aad soo dhamaaday, ayna maanta jiraan Shaqaale tayo leh oo haysta kaar marka laga reebo Wasaaradaha Waxbarashada iyo Caafimaadka.
  2. Cadaaladda: GAAS ayaa yeeshagay in 58% dadka Cadaaladda Puntland ka shaqeeya aysan haysan Shahaadooyin, halka 42% soo hartay 50% oo ka mid ah ma haystaan Shahaado Sharci . Halkaas waxa uu GAAS ka sheegay in 21% kaliya ay leeyihiin aqoon Sharciyeed:
  3. Ciidamada: Waxa uu GAAS sheegay in dagaal uu ku furan yahay uuna dib u dhigay Reformkay ku wadeen Ciidamada. Wuxuu kaloo GAAS sheegay inay mushahaarka Ciidamada ay dawladiisu bixiso marka laga reebo Ciidan uu ugu yeeray “CAAGLE”. GAAS ayaa yiri “Anagoon bil laba bilood jirin bay Dacaayad iyo shido nagu bilaabeen”
  4. La dagaalanka Musuqmaasuqa: GAAS waxa uu Qirayaa in Musuqmaasuq uu ka jiro dawladiisa laakiin waxa uu sheegay inay la dagaalamayaan.

GAAS ayaa waxa kaloo uu ka hadlay Kaabayaasha Dhaqaalaha sidii caadada u ahaydna ku faanay dhismaha Garoonka Bosaso iyo kan Garowe taasoo cid walba ogtahay inay dawladii ka horaysay ay keentay. Waxa kaloo uu GAAS ka hadlay Garoonka Gaalkacyood, balaarinta Dekeda Bosaso iyo dhismaha Deked laga dhiso Garacad. Ugu horay GAAS waxa uu sheegay in Garoonka Garowe Bixinta Qadaraaska lagu saxiixi doono 28ka july Dubai. Garoonka Gaalkacyood ayuu GAAS sheegay inay lacag u raadinayaan si loo dhiso.

Balaarinta Dekeda Bosaso ayuu GAAS sheegay inay Heshiis la galeen nin Ganacsade ah. GAAS ayaa waxa uu sheegay inay jireen dad badan oo xiisaynayey inay dhisaan dekeda Bosaso sida DP world isagoo sheegay inuusan hubin in Dekeda Dubai ay u dhisayso Puntland Deked la tartanta taooda sidaas darteedna uu u siiyey Qandaraaska ninkan Ganacsadaha ah. GAAS waxa kaloo uu sheegayaa in ninku uu ka yeelay “in uu wax uun nooga dhiso Garacad isna waa uu naga yeelay” ayuu GAAS yiri.

GAAS waxa uu sheegay in Qorshihiisa yahay in Garacad ay ka dhisaan Deked Yar oo Itoobiya ganacsigeedu Isticmaalo isagoo sheegay inay sameeyeen Kastamka Tuur Dibi ayna hada mid kale ka furidoonaan Tuulada Daarasalaam.

GAAS waxa kaloo uu ka hadlay Jidka Garowe iyo Gaalkacyo oo uu sheegay in dhismihiisu bilaaban doono dhawaan. Wuxuu kaloo ka hadlay GAAS wadada Ceel daahin iyo Ceerigaabo wuxuuna GAAS yiri “Waxaa laga yaabaa in dadku nagu qoslaan oo yiraahdaan ma waxaad dhisi kartaan Wadada Ceel daahin iyo Ceerigaabo, laga yaabo inaysan dhismin inta aan anigu joogo laakiin waa fiican tahay inaad RIYOOYAA waxayna dhulkaasi Puntland u tahay Istiraajiyad muhiin ah, marka anagu waa bilaabaynaa xataa hadaan Jeey ka dhigno…” GAAS waxa uu ka hadlay labo wado oo Bariag fog ah oo la yiraahdo Lafogorayo iyo Dhabaaqo inay ku hawlan yihiin wax ka qabadkooda.

GAAS waxa uu sheegay inay sameeyeey Ciidan xoog leh oo ku sheegay Birmad oo sugaya amaanka magaalooyinka waawayn. GAAS waxa uu sheegay in Puntland ay dagaal ku jirto Kooxda Al Shabaab isagoo shaaca ka qaaday inay Buurta Galgala ka dagaalamayaan Ciidamo ay tiradoodu gaarayso 1300 askari.

Dimoqraadiyenta: GAAS waxa uu qirayaa inay daahday isagoo sheegay in Guddiga Doorashada ay diyaar ka noqon doonaa bil gudaheed inta aan la gaarin Shirka Gaalkacyo. GAAS ayaa wuxuu sheegay in Dawlada Cabdiwali ay FASHILANTAY haddii ay Doorasho dhici waydo janaayo 2019ka.

Shirarka Puntland: GAAS ayaa waxa uu sheegay inay markii hore ku talagaleen hal shir laakiin hada uu Puntland ka dhici doono 4 shir oo muhiim ah:

  1. Shirka midnimada Puntland: Shir lagu saxo wixii qaldamay waxna la iska waydiiyo, waana dib usoo noolaynta midnimada Puntland wuxuuna ka dhacayaa Gaalkacyo.
  2. Shirka Isimada: oo ka dhici doono Qardho
  3. Shirka Qurbo Jooga: oo ka dhici doona Garowe
  4. Shrka GUUD ee Puntland: Oo ka dhici doona Garowe.

Xiriirka Puntland iyo DFS: GAAS waxa uu sheegay inay ku dadaaleen in Xiriirku wanaagsanaado laakiin mar walba waxay shido nooga imaanaysay dhanka DFS. Puntland soomaalinimadu iyaday ka bilaabataa kuna dhamaataa waxayna Soomaalinimadu u baahan tahay in laga wada shaqeeyo waana wadaynaa anagoon ka tegin danaha Puntland.

Maamulka Cadaado: GAAS ayaa sheegay in Dastuurbaa lagu heshiiyey waxbna uu qorayo “in qolo gaari ay siday doonto u rogato iyadoo danaheeda ka eeganaysa Puntland ma aqbalayso” ayuu yiri wuxuu kaloo ku daray in Puntland oo 17 sano jirtay Xudduudeeda Shaki la geliyo maaha wax aan aq´balayno mana yeelayno, mana galayso runtii waxa uuna GAAS ku nuuxnuuxsaday oo yiri “Puntland waa dawlada kaliya ee Dastuurku aqoonsan yahay kuna xusan ninka yiraahdana shaki baan gelinayaa waa nin WAALAN EE MAAHA NIN CAAFIMAAD QABA”

GAAS ayaa ugu dambayn ku guubaabiyey inay maalgashtaan Puntland oo lacagtooda 10% kusoo celiyaan wuxuuna ugu dambayntii adkeeyey midnimada reer Puntland.

Daawo madaxweyne Gaas qudbadiisa

Puntlandes.com

About The Author