Xaliimo Yareey oo loo doortay guddoomiyaha guddiga aan Sharciyadda haysan ee doorashooyinka Dawladda Xamar

27 july 2015 (Puntlandes) Guddiga aan Sharciyadda haysan ee Doorashooyinka Dawladda Xamar ayaa Gudoomiaye u doortay Xaliimo Ismaaciil Ibraahim Xaliima Yareey, halka Gudoomiye ku xigeena loo doortay Siid Cali Sheikh Maxamuud.

27

Waxaa goob joog ka ahaa Wasiir ku xigeenka Wasaaraadda arimaha gudaha iyo Federaalka ee dawladda Xamar, Xaliimo Ismaaciil Ibraahim “Xaliimo Yareey” ayaa u QAABILSANAYD DAM JADIID dhismihii maamulkii ay ku dhoodhoobeen Degmada Cadaado iyadoo guddoomiye ka soo noqotay guddigii farsamada ee soo dhisay maamulkaas aan isna haysan Sharciyada maadaama uu ka kooban yahay Gobol iyo Bar halka uu Dastuurku ka qabo inay maamul dhisan karaan 2 Gobol iyo wixii ka badan.

Xaliimo Yareey ayaa waxay Kooxda DAM JADIID ku abaal mariyeen inay noqoto Gudoomiye  Guddi aan haysan Sharciyad oo aan ka shaqaynayn dalka Soomaaliya.

Guddigan ayaa waxaa diiday dawladaha Jubaland iyo Puntland iyagoo sheegay inaysan la shaqayn doonin imaana karin Dhulkooda maadaama uusan Sharciga waafaqsanayn. Dawlada Xamar ayaa caadaysatay inaysan cidna u joojin dhagaysana iyadoo god dheer ku riday soo noolayntii dawladnimada Soomaaliya iyo midnimadeedii

Puntlandes.com

 

About The Author