XOG: GAAS oo kula Heshiiyey DAM JADIID Khiyaanada Reer Puntland & Dastuurkii lagu Heshiiyey!!

27 july 2015 (Puntlandes) Dawladda Puntiland iyo Shacbakeeda ayaa diiday Dastuur ku tumashada dawladda Xamar oo caadaysatay inay Baal marto wixii ummadda Soomaaliyeed ku Heshiisay waxaana ugu dambaysay Dastuurka lagu tubanayo in Dawlada Xamar ay Cadaado ku dhoodhoobtay maamul aan waafaqsanayn Datuurka dalka kaasoo ka kooban Koonfurta Mudug iyo Gobolka Galgaduud.

Dawlada Xamar ayaa markaas kadib isku dayday abuuris xaalad Colaad oo ka holacda Puntland iyo dadka dega Gobol iyo barkaas iyadoo Dastuurkooda ugu Qortay inay yihiin waxa maamulka loo samaynayo labada Gobol ee Mudug iyo Galgaduud oo buuxa Xudduudooda Waqooyina ay ku egtahay Gobolka Nugaal.

1a

Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo ka amar qaata Kooxda DAM JADIID maadaama ay Kooxdani ay Gacanta ku hayso Xamar isna uu Quuldaraynayo inuu Kursi ka helo Doorashada 2016ka, waaba hadau suurtogal tahaye, ayaa waxaa ku adkaatay inuu Shacabka reer Puntland ku Qanciyo inay Aqbalaan in Gobolka Mudug ay Kooxda DAM JADIID sidaas sahalka ah ku qaadato markaas ayuu wuxuu ka baryey Kooxdaas bal inay dib wax ugu noqdaan markaasna uu balan qaadayo inuu AQOONSAN doono maamulka aan WAAFAQSANAYN DASTUURKA ee Cadaado.

Waxaa Xusid mudan inuu markuu Raysul Wasaaraha ahaa GAAS uu Aqoonsaday maamul Xaafadeedkii Galmudug hadana uu doonayo sidii oo kale inuu aqoonsado maamul aan Dastuurka Waafaqsanayn.

Dastuur bedelka Maamulka Cadaado

3A

Dowlada Xamar ee ay Kooxda DAM JADIID hogaamiso oo dooneysa in la qaboojiyo Xiisada Siyaasadeed ee u dhaxeysa Puntiland oo dhinac ah iyo iyaga iyo Maamulka Sharci darada ah oo isku dhinac ah ayaa ku dhaqaaqday inay wax ka badesho Dastuurka Maamulka Cadaado si looga Fududeeyo GAAS culayska aadka u wayn ee ka haysta inuu la shaqeeyo maamulkaas Sharci darada ah.
Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Cadaado oo shalay kulan ku yeeshay Magaalada Cadaado ayaa loo qeybiyey wax ka bedel lagu samaymayo dastuurka Maamulka Cadaado ee horey loo ansixiyey si loo fuliyo Riwaayadii GAAS ay kula heshiiyeen.

Madaxweynaha Maamulkaas Cabdikariin Xuseen Guuleed oo shalay la hadlay Xildhibaanada Baarlamaanka Cadaado ayaa ka codsaday in wax ka badal ku sameeyaan Qodobka Xudduuda ee Dastuurkooda si uu GAAS ula shaqeeyo maamulkiisa.

Qodobka wax laga badalayo ayaa ah:

  • In Xuduuda Waqooyi ee Maamulka Cadaado yahay Gobolka Nugaal.

Iyadoo taas badalkeeda Dastuurka Cadaado lagu qorayo:

  • In Gobolka Mudug ee maamulka Cadaado uu xaduud la leeyahay Puntland

Maamulku Ma Gobol & barbaa mise waa labo Gobol?

Bedelida BEENTA ah ka dib wali maamulka Cadaado wuxuu ka koobnaan doonaa siday iyagu leeyihiin laba Gobol oo Buuxa oo kala ah Gobolka Mudug iyo Galgaduud ee sheegan mayaan dhulka ay leeyihiin oo ah Koonfurta MUDUG & Gobolka Galgaduud!!!!

Haddii uu maamulka Cadaado ka kooban yahay laba Gobol oo Mudug iyo Galgaduud ah maxay soo kordhinaysaa in Xudduudii Gobolka Nugaal ku ekayd ay ku bedelaan Puntland? Soow wali ma sheeganayaan dhulka Puntland? Haa!!

 

Shacabka iyo Baarlamaanka Puntland!!

Waxaa su’aal wayn ka taagan tahay sida uu ninka kula heshiiyey Kooxda DAM JADIID ee GAAS uu ku socodsiin karo iyadoo aan la siri karin dadka Reer Puntland iyo iyadoo uu Baarlamaanka Puntland soo saaray Qodob Sharci ah oo oranaya inaan lala shaqayn karin lana AQOONSAN karin Maamulka aan Sharciga Waafaqsanayn ee ka kooban Gobol iyo Barka.

1a

Marka muxuu GAAS ku fekeray? Mise meesha wuxuu mooday inuu wuxuu doono ka yeeli karo?

GAAS ayaa Heshiis Qarsoodiya kula gaaray Kooxda DAM JADIID oo uu wakiil u ahaa Raysul Wasaaraha Xamar Cumar Cabdirashid, waxa uuna ka ogolaaday haday wax ka taataabtaan Dastuurka Maamulka Cadaado inuu la shaqay doona Madaxweynaha Maamulkaas C/kariim Xuseen Guuleed.

Shirka Kooxda DAM JADIID

3A

Kooxda DAM JADIID ee uu madaxda u yahay madaxweynaha Dawaladda Xamar Xasan Sheekh ayaa qorshahoodu yahay in GAAS ku dhiirado inuu ka qayb galo Shirkooda haddii Dastuurka Maamulka Cadaado la taataabto ka hor Shirka ay Kooxdaasi doonayaan inay Xamar ku qabsadaan, 29-30ka bishan ee july 2015.
Ugu Dambayntii waxaa xusid mudan inuu jiro go’aan Baarlamaani ah oo uu Baarlamaanka Puntiland ku gaaray inaan lala shaqayn karin lana aqoonsan karin Dastuur ku tumashada ay wado dawladda Xamar iyo maamulka ay ku dhoodhoobtay Degmada Cadaado.

Puntlandes.com

About The Author