Dhagayso: Shirkii DAM JADIID oo furmay, Puntland & Jubaland oon kasoo qayb gelin

36a

29 july 2015 (Puntlandes) Waxaa ka furay garoonka diyaaradaha magaalada Xamar ee xarunta Gobolka Banaadir Shir ay soo abaabushay Kooxda DAM JADIID ee ka talisa dawladda Xamar kaasoo ay kusoo bandhigi doonta DAM JADIID sidii dib loogu dooran lahaa si ay u isticmaasho magaca Soomaaliya.

Puntland iyo Jubaland oon ka qayb galayn Shirka Xamar

Madaxweynayaasha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo Jubaland Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe) ayaan kasoo qayb gelin Shirka Kooxda DAM JADIID ee Xamar iyagoo ku Casuunaa maadaama ay Xubno aad muhiim u ah ka yihiin Soomaaliya.

Ajandaha shirka ayaa la bedelin oo wali waxaa ku jira khudbado ay jeedinayaan Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland oon joogin kana soo qayb gelin shirka Kooxda DAM JADIID.

Kooxda DAM JADIID ayaa doonaysay inay kusoo bandhigaan shirkaas habka ugu sahlan oo ay dib ugu soo noqon karaan iyadoo ay dhabar jab ku tahay inaysan Puntland iyo Jubaland ka soo qayb gelin shirkooda.

Kooxda DAM JADIID ayaa waxay booska kusoo buuxsadeen Gudoomiyayaal Gobolo, daawo sawirka hoose waa Gudoomiyayaasha Gobolada Shabeelaha Dhexe, Hiiraan, Galgaduud iyo Bay

 

36b
Gudoomiyayaasha Gobolada Shabeelaha Dhexe, Hiiraan, Galgaduud iyo Bay

Dhagayso warbin ay BBC ka diyaarisay Shirka DAM JADIID

Puntalndes

About The Author