Ciidanka Difaaca Puntland oo guulo gaaray dilayna Ajaaniib badan

04 Feb 2025 (Puntlandes.com) Ciidanka difaaca Puntlandoo ku gudajira Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ayaa waxay maanta gaareen guul dagaal ee howlgal culus oo ay aroornimadii hore ee saaka bilowday, makhribnimadiina soo gaaray, kaas oo ubucdiisii ahayd in lagaaro Qurac ilaa Dhashaan, loona dhaadhoco Dandamale iyo Curar oo ah saldhigyada rasmiga ah ee madaxda Argagixisadu joogto.
Kooxda Argagixiso waxay si kasta uga dagaalameen maanta furimaha dagaalka Togga Jeceel in ciidanku galo ayaa u ahayd dhabarjab, in ka badan 40 nin oo Ajnabi ah oo ay difaacyada keensadeen, dhammaantood ayaa la dilay sida ay muujinayaan sawirada hordhac ah ee lasoo bandhigay, Hubkii ay wateen ayaa laqabtay, sidaas oo kale in ka badan 5 ajaaniib ah ayaa is qarxisay, 8 ayaa is dhaawac tiray si aan loo qaban.
Koox ka kooban 12 oo ay ugu talogaleen Toogasho fog iyo Qarxinta Miinooyinka ayaa iyana la dilay, cimilada oo qalafsan iyo Telfoonada oo dhan ayaa hawada ka baxay, maadaama loo dagay aag Togga Jaceel.
Maanta, waxay ahayd maalin kale oo Ajaaniibta soo duushay Fagaaraha dagaalka la waray, taarikhiyan dagaalka Argagixisada Soomaaliya ay ku jirto, waa markii 2-aad oo Argagixiso Ajaaniib ah oo intaas dhan halgoob lagu dilo, Dharjaale ayaa kow ahayd.