XOG: AXMED MADOOBE OO KA HORYIMID IN TAAGEERO LOO MUUJIYO DAGAALKA AY PUNTLAND KULA JIRTO ARGAGIXISADA!!!!

11 Feb 2025 (Puntlandes.com) Kulan ballaaran oo Qado ahaa oo qaybaha kala duwan ee beesha Harti Jubaland isugu imaan lahaayeen magaalada Kismayo, kaasoo lagu taageeri lahaa howlgalka ciribtirka Argagixisada ee Puntland ayaa waxaa diiday inuu qabsoomo ama baajiyey madaxwenaha Jubaland Axmed Madoobe.

Lama yaqaan sababta uu uga horyimid shirka oo taageero iyo dhaqaalo aruurin loogu samayn lahaa ciidamada geesiyaasha ah ee Puntland ee ku gudo jira sifeynta Argagixisada.

Waxgaradka iyo ganacsatada Beesha Harti oo dadaal badan geliyey inay ku qanciyaan Axmed Madoobe inuu fasaxo kulanka ayaa ku guulaysan waayey kadibna guryahoodii isaga laaktay.

Maamulka Axmed Madoobe tan iyo markii uu Kismayo qabsaday 2011kii waxaa taageerayey garabna u ahaa dawladda Puntland iyo dshacabkeeda, isagoo iminka iyagoo dagaal adag kula jira Ajanabi Argagixiso ah uu dhabarka ku jeediyey.

Axmed Madoobe ayaa dagaalkii Goojacadde oo u dheexeeyey labo beelood Soomaaliyeed u ogalaaday Beesha Harti inay ku qabsato Kismayo shir taageero iyo dhaqaale loogu uruurinayo. Sidoo kalena af iyo dhaqaalaba ku taageeray dagaalkaas Soomaalida u dhexeeyey, waxaa la iswaydiinayaa iminka sababta uu uga horyimid taageerada dagaalka ka dhanka ah Argagixisada ee ay dawladda Puntland ku gudo jirto.

Axmed Madoobe ma Argagixisada ayuu ka tirsan yahay ama gacansaar la leeyahay, mise taageero kale ayuu u hayaa?

About The Author