Madaxweyne GAAs oo gaaray magaalada Gaalkacyo ee Xurumta Gobolka Mudug

12 Agoosto 2015 (Puntlandes) Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta gaaray Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug, isagoon GAAS gactiisa soo Dhigin Gobolka Mudug muddo dhan 15 bilood halka uu marar badan booqday magaalooyinka Qardho iyo Bosaso.

47a

GAAS iyo wefdigiisa ayaa intii aysan soo gaarin Gaalkacyo waxay soo mareen  Deegaanada Bacaadweyn, Margeeg, Daarasalaam iyo Cagaaran iyadoo dad badani ay kusoo dhaweeyeen Deegaanadaas.

GAAS ayaa sheegay inuu muddo joogayo Gobolka Mudug una kuurgaayo xaalada Gobolku uu iminka ku sugan yahay.

47c

Waxaa loo fadhiyaa ayna ka sugayaan Shacabka Gobolka Mudug inuu wax ka qabto Dhibaatooyinka dib u dhaca ku ceenay Gobolka Mudug oo aan maamul dawladnimo kaba jirin intii ay Puntland jirtay iyadoo ay Gobolka maamulaan dhaqaalihiisana Cunaan Kooxda yar uu u diiday inuu Gobolku Horumaro dadkiisuna ay midoobaan iyagoo Isbaarana u dhigtay in Nidaam dawladeed ka dhaqan galo Gobolka Mudug.

47b

Dad badan ayaa aaminsan inuusan madaxweyne GAAS awoodin, kartideedna uusanba lahayn inuu wax ka qabto dhibaatada ka jirta Gobolka Mudug waana taas tan keentay inuu ka warwareego inuu yimaado Gobolka Mudug.

Puntlandes.com

 

About The Author