Shirka GAAS ee Gaalkacyo FARBAA ku godan!!

24 Agoosto 2015 (Puntlandes) Waxaa maanta Shacabka reer Puntland yaab iyo wax aan macquul ahayn ku noqotay markay ka maqleen Warbaahinta madaxweynah Puntland Cabdiweli Maxamed Cali GAAS indho la’aanta u taageerta oo lagu faafinayo inuu Shirkii GAAS balanqaaday ee Wadatashiga Shacabka reer Puntland ka furmayo magaalada Gaalkacyo maalinka berri ah ee ay saacadaha ka harsan yihiin.

Waxaa la wada ogaa in Guddiga qabanqaabada Shirkaas oo laba jeer baajiyey shirka ay sheegeen ugu dambayn inay shirka shaacin doonaan Bisha barakaysan ee Ramadhaan ka dib, waxaana halmar maanta lala soo booday inuu shirku dhacayo maalinka Berri ah!!!CAJIIB

1680

Waxaa shacabka reer Puntland loo sheegay in Shirkaas ay kasoo qayb galayso Ergo dhan 200 iyo Marti sharaf kale oo gaaraya ilaa 50 qof, waxaa kaloo loo sheegay in Shirkaas looga arrinsanayo Masiirka Puntland!! Hadaba waxaa fari ku godan tahay Shir sidaa u culus sidee reer Puntland ku ogaan waayeen maalin ka hor goorta uu dhacayo oo ah maalinta Berri ah? Soow Ergo beeluhu qayb sanayaan iyo muran lama maqleen? Soow Saxaafadda Ergooyin ambabaxaya lagama arkeen? Mise waxaa macquul ah in hal mar GAAS iyo Taageerayaashiisu yiraahdaan Berri ayuu bilaabanayaa shirku Ergooyinkiina Gaalkacyo ayey joogaanba!!?

Soow lama oran karo Shirka GAAS ee uu Berri ka furanayo Gaalkacyo waa “SHIMBIRAYAHOW HEESA HEESA HEES WANAAGSAN HEESA” waa iska cadahay inuusan wax qiimo ah u lahayn Shacabka reer Puntland uusana waxba kusoo kordhinayn Puntland iyo Xukuumadda GAAS ee Qarka ka tuurtay Puntland

Waxaa haboon in GAAS iyo Tageerayaashiisa uu Ookiyaalahu ugu jiro inay iska saaraan Ookiyaalaha ogaadaana waxa waaqiciga ah ee Puntland ka soconaya iyo sida ay ula degeen Puntland.

Puntlandes.com

About The Author