XOG-Sawiro: Lacagtii FAALSADA ee GAAS & Ganacsatadu wada lahaayen oo Suuqa la soo geliyey

25 Agoosto 2015 (Puntlandes) Magaaalooyinka Puntland ayaa waxaa dawlada uu madaxweynaha ka yahay Cabdiweli Maxamed Cali GAAS waxay kusoo harqisay lacag Shilin Somali ah oo FAALSO ah oo ay daabacday.

Lacagtaan Faalsadae ah ayaa waxaa heshiis ku ah oo wada samaystay madaxweyne GAAS iyo ganacsato reer Puntland ah. Labadii maalmood ee ugu dambeeyey ayaa waxa ay dawlada Puntland ku baxisay mushaharaadka ciidamada iyo shaqaalaha dawlada Puntland oo aan wax mushahaar ah qaadan muddo dheer.

Lacagtaan Faalsada ah ayaa Warbaahinta Puntlandes waxay heshay sawirkeeda taasoo si xad dhaaf ah loosoo geliyey suuqayada magaalooyinka.

Isla markii ay dawlada Puntland soo gelisay Suuqyada ayaa waxaa ibedel ku yimid Sarifka lacagta dollarka ee magaalooyinka Puntland kaasoo iminka maraya  2230,000  Sh.So  boqolkii dollar halka uu shaley ahaa 2170,0000 Sh.So .

Lacagtaan Faalsada ah ayaa waxay dhibaato u gaysan doontaa dadka dan yarta ee reer Puntland iyadoo abuuri doonta Sicir barar aad u baaxad wayn.

GAAS ayaa waxaa usoo xarooda Dakhli aad u fara badan maxaa yeelay wuxuu soo rogay Canshuuro cusub oo aan dalka ka jiri jirin. Laakiin waxaa la iswaydiinayaa waa isaga FAALASADA usoo samaystee meeday Canshuurtii uu ummadda ka qaaday?

Sawoíro
59bb

59ba

59b
Puntlandes.com
 

About The Author