Galmudug iyo caqabadaha ku xeeran!!

Galmudug  waa  maamulkii hore ee qeyb kamida Mudug  ka talin jiray  waxaase  magacaas  dib loo sharciyeeyey  kadib markii  Degamada Cadaado ay isku tageen ergooyin  ka kala yimid  Gal-Gaduud iyo qayb kamida Mudug  waxaana   Cadaado lagu doortay  siyaasiga Cabdikariin Xuseen Guuleed,  maxaase  horyaal ?..

4-bishii luuliyo 2015, ayaa  Magaalada Cadaado loogu doortay inuu noqdo Madaxweynaha Maamul  Galmudug, oo  hada sal dhig u ah Degmada Cadaado, Guuleed waxaa la tartameysay ilaa shan Musharax, oo xilkaasi isku soo taagey.  Waxaase   Cabdikariin Xuseen Guuleed  uu ku guuleystay  doorashadaas..  waxaase  MR Guuleed horyaal dhawr caqabadood, asaas u ah  mustaqbalka maamulka Galmudug..

Cabdikariin  ayaa  soo noqday wasiirkii arrimaha gudaha iyo amniga Soomaaliya  xukumadii Cabdi Faarax Shirdoon wuxu  kale oo so noqday wasiirkii amniga qaranka Soomaaliya xiligii xukumaddii Cabdiwali Shiikh Axmad.

24-kii bishii May)   ayuu iska casilay xilka wasiirkii amniga Qaranka ),markii daggaal-yahano ka tirsan Ururka Al Shabaab ay weerar ku qaadeen Xarunta Baarlamaanka Soomaaliya Ee Magaallada Muqdisho. C/kariin wuxuu markaasi sheegay isagoo qiimaynaaya xaalku uu dalku ku maraayo , in uu xilkaasi iska casilay..

 Hayeeshee  Cabdikariin kama uusan ag fogaan  xayn daabka madaxtooyada Villa Soomaaliya wuxuuna si hoose u noqday la taliyaha madaxweynaha  Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud..

Cabdikariin waxaa loo doortay maamulk  aan buuxun sharuudihii  maamul goboleed ee dalka loo dajiyey  ergadii an sixisay dastuurka Galmudug ayaa   Cabdikariin u sheegay in uu  xukumo Mudug iyo Galgaduud, waxase  ka hor yimid  arrimo xoogan oo mucaaradnimo ah..

                                   Puntland oo aan aqoonsan  Galmudug

Puntlandayaan aqoonsan maamulka laga dhisay Cadaado kadib markii  ergooyinkii Dastuurka Galmudug  ansixiyey ay sheegeen in xudduudkoodu yahay Bartule in kastoo mar dambe ay ka labteen         

                                                      Ehelu sunna


Ururka Ehelu sunna oo ka taliya Dhuusa mareeb  ayaan  aqoonsan  kana hor yimid doorashada Cadaado ka dhacday 4, bishii Juuliyo.2015,  waxaana  dhuusa mareeb ka dhacday doorasho kale oo loogu magic daray  maamul Goboleedka Gobollada dhexe kaasoo  ay  hoggaamiyaan  Ururka  hubeysan ee  Ehelu sunna wal jameeca),

Madaxwaynaha Galmudug C/Kariin, ayaa    waxaa   muddo ku qaatay  soo magacaabista Golihiisa xukumadda  wuxuuna ugu dambayntii  ku dhawaaqay  Gole  wasiiro  oo ka kooban 24, wasiir  24, wasiir ku xigeeno iyo 4, wasiiru dawle

                              Qeyb kamida Xildhibanada Galmudug

waxaa  dhaliilay  qaabka  siyaasadeed ee MR Guuleed Xildhibaanadda Galmudug 33, kamida ayaa   cadaado ka sheegay  inuu madaxwayne Cabdikariin jabiyey qodobk kamida dastuurka Galmudug  ayagoo saxaafadda  u sheegay  dariiqa uu u maray magacaabista  gollaha wasiirada iyo heshiis uu la galay  shaqsiyaad kamida  wadaadada  Ehelu sunna..

                                    Ugu dambayntii”

Ugu damayntiina   siyaasadda Cabdikariin Xusen Guuleed ayaa  ah mid  cakiran marka loo eego  caqabado siyaasadeedka ku xeeran   dadka siyaasada indha indheeya ayaa sheegaya  awalba  inuusan Cabdikariin tageero ka haysan  bulshada Gobollada dhexe ee uu meesha ku yimid tageerada Madaxwaynaha Soomaaliya oo ay aad isku dhawyihiin Mr Cabdikariin..

Waxaa  looga fadhiyaa  sidii  u wajihi lahaa   arrimaha ku xeeran ee   kala ah

Ehelu sunna oo  ah urur hubeysan

Puntland  oo aan aqoonsanayn doorashada Gal Mudug

Xildhibaanada Galmudug oo hada ku kala qaybsan siyaasada Cabdikariin uu ku hagayo maamulka galmudug..

21

Falanqeeye  arrimaha bulshada

Cabdinuur Faarax maxamuud

Abdinuur02@gmail.com

About The Author