Daawo Sawiro: GAAS oo maanta Booqday Mashruuca Horumarinta Bursaalax

3 sebtember 2015 (Puntlandes) Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali GAAS ayaa maanta Booqday Mashuura Horumarinta Bursaalax ee magaalada Bursaalax oo uu Booqasha laba maalin qaadatay ku tagay.

Mashuura Horumarinta Bursaalax ayaa maamula Dugsiga sare ee Burar, Dugsiga hoose dhexe ee Cirro, Ceelasha biyaha, Beer wayn, Iskuulka Farsamada Gacanta, Koleej/Boodhin, Isbitaal wayn, Waaxda Arrimaha Diinta iyo Masaajidka.

Mashuura Horumarinta Bursaalax waxaa ka shaqeeya 80 shaqaale ah oo isugu jira Macalimiin iyo Maamul. Ardayda wax ka barata Mashuura Horumarinta Bursaalax ayaa ah isugayn 1560 Arday oo kala dhigta:

  • Dugsiga hoose dhexe ee Cirro waxaa dhigata 1060 arday
  • Dugsiga sare ee Burar waxaa dhigata 300 arday
  • Wabarashada dadka waawayn iyo Farsamada gacanta waxaa dhigta 200 arday

Madaxweyne GAAS ayaa Booqday dhamaan qaybaha uu ka kooban yahay Mashuura Horumarinta Bursaalax waxaana Qayb walba u sharxayey Mareeyaha Guud ee Mashuura Horumarinta Bursaalax Cabdirashiid Faarax Geelle Xaaji Warsme isagoo warbixin ka siinayey madaxweynaha Adeega uu Mashuura Horumarinta u hayo Bulshada Bursaalax iyo nawaaxigeeda.

Mareeyaha ayaa si waafiya madaxweynaha uga warbixiyey Adeega ay Waax walba oo Mashruucu ka kooban yahay ay Bixiso, waxaana madaxweynaha aad usoo jiitay Guulaha la taaban karo ee uu Mashuura Horumarinta Bursaalax gaaray muddadii uu jiray iyo Hawlaha muhiimka ah ee uu u hayo Bulshada ku nool Bursaalax iyo Nawaaxigeeda.

Madaxweynuha ayaa u jeediyey ardeyda Khudbad dhinacyo badan taabanaysa, wuxuuna kula dardaarmay inay laba jibaaraan dadaalka waxbarasho ee ay wadaan, si mustaqbalkoodu uu u noqdo mid mira dhalo.

Madaxweynaha ayaa ugu dambayntii ku booriyey Ardayda in dadkooda iyo dalkooda ay wax u bartaan, maadama ay yihiin mustaqbalka berri ee la rabo in dalka ay horumar gaarsiiyaan uguna adeegaan waxa ay barteen.

Madaxweynaha ayaa waxaa isna soo jiitay Isbitaalka Bursaalax oo loogu adeego bulshada ku dhaqan deegaanka Bursaalax qeybaheeda kala duwan, isagoona Mareeyaha Guud ee Mushuura ka dhagaystay warbixin ku saabsan qeybaha uu ka kooban tahay Isbitaalku.

Mashuura Horumarinta Bursaalax waxa la’aas aasay 1999,waxaana la daah furay 2001. Mashruuca waxa aas’aasay Bulshada reer Puntland gaar ahaan Gabolka Mudug kuwaasoo dalka gudihiisa iyo dibadiisaba kala jooga. Mashruucu wuxuu magaalada Bursaalax iyo dadkeedaba ugu fadhiyaa Muhiimad aad u wayn isagoon ku ekayn Waxbaridda Ardayda iyo xagga Caafimaadkaoo kaliya, wuxuu magaalada siiyaa Biyo isagoo Mashruucu uu ku sameeyey Magaalada Biyo gelin.

Dhanka kale Mashuura Horumarinta Bursaalax wuxuu Magaalada Bursaalax ka abuuray Shaqooyin isagoo bil walba geliya Magaalada Bursaalax lacag dhan 50000 doolar oo uu wax kaga soo gato Magaalada, taasoo abuurtay Shaqooyin kale oo ka baxsan 80 qof oo Shaqaalaha ka ah Mashuura Horumarinta Bursaalax.

Ugu dambayntii Waxgarad ka yirsan Shacabka ku nool Magaalada Bursaalax oo la soo xiriiray Warbaahinta Puntlandes ayaa waxay uga mahad naqeen Waqtigii uu siiyey madaxweynuhu Mashuura Horumarinta Bursaalax iyagoo aad usoo dhaweeyey taas.

Daawo sawirada Booqashadii GAAS ee Mashuura Horumarinta Bursaalax
1

2

3

4

5

6

7

8

9

10

11

12

13

14

15

16

17

18

19

20

21

22

23

24

25

26

27

28

29

30

31

32

33

35

36

37

38

39

40

41

42

43

44

45

46

47

48

50

51

52

53

54
Puntlandes.com

About The Author