Fadeexad Dhagayso: DFS oo shegatay in ay iyagu u direen Xil. Tagey Garowe

0

Madaxa fulinta ee DFS ayaa si aan gabasho lahayn oo bahdilaad ku ah madaxweynaha Puntland Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas u sheegay in ay DFS ka dambaysay in ay Garowe caasimada Puntland yimaadaan Xildhibaanadii uu hogaaminayey Xasan Abshir Faarax

 

Raysul wasaaraha Xamar.Cabdiwali ayaa yiri ”Qof u yeertay ooy u tageen ma jirto anagaa diyaarad kaga qaadnay Nairobi oo gaynay garowe, waxaana uga gol lahayn in ay igu  soo dhaweeyaan 8 bishan oo ii qorshaysan in aan tago Garowe”

Soow tii uu lahaa Dr Gaas anaa amray ooy amarkaygii fuliyeen kuwa kaena waa soo socdaan?

Markay taariikhdu ahayd 2 da agosto 2014 ayey warbaahinta caalamiga ah ee Puntlandes baahisay in waxani ay yihiin riwaayad lagu jaho wareerinayo shacabka reer Puntland ayna is ogyihiin DFS  iyo Gaas. Halkan riix si aad u akhriso ama  Falanqaynta Todobaadka iyo Puntland. Gaas iyo DFS waa ku heshiis in Gobolka Mudug laga jaro Puntland. Laakiin waxay dadka reer Puntland iyo Mudug oo wali hurda. Waxaa haboonaan lahayd Puntland siday shalay ugu gashay abaalka  Jubaland in ay Jubbaland maanta u hiiliso Puntland si ay Gobolkii laga gooyeu ugu soo celiso,

 

Halkan hoose ka dhagayso

Xafiiska wararka

Puntlandes.com

 

About The Author

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *