Xasan Culusoow oo u soo diray Puntland shaqaalihiisa si ay culayska uga yareeyaan Dr Gaas.

0

Garowe (Pes): Wafti xildhibaano ah oo uu garwadeen ka yahay xildhibaan Xasan Abshir Faarax ayaa soo gaaray magaalo madaxda Puntland ee Garowe. Waftigan waxaa ka dambeeyey imaanshahooda oo amray in ay Puntland tagaan Xasan Culusoow sida ay warbaahinta caalamiga ee Puntlandes ay ka heshay ilo lagu kalsoon yahay. Xildhibaanadan waxay maanta ka soo duuleen magaalada Nayrobi.

 

Wafdigan waxay ka kooban yihiin shan ka mid ah Baarlamaanka Xasan Culusoow ee Xamar.

 

Waxaa kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee magaalada Garowe xildhibaano iyo wasiiro iyo mas’uuliyiin kale oo katirsan dowladda Puntland.  Waa qaybtii ugu horeysay ee Culusoow u soo diro Puntland si ay culayska uga yareeyaan madaxweynaha Puntland Dr Gaas oo hada uu ku wajahan yahay culays aad xoog badan oo ku saabasan Gobolka Mudug oo uu rabo in uu dhaco Xasan Culusoow, maxada Xamar. Waxaa la sugayaa in ay Xamar ka yimaadaan wasiiro dowlada Culusoow ka tirsan iyo Xildhibaano kale iyagoo qayb ka ah abaabulka uu Xasan Culusow oo ay isla shaqaynayaan Dr Gaas uu wado. Si uu meesha uga saaro culayska soo wajahay Madaxweynaha Puntland.

 

Halkaan ka daawo Sawirada.

464

462

464

Xafiiska wararka

Puntlandes.com

 

About The Author

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *