Falanqaynta Todobaadka iyo Puntland

0

Warbaahinta caalamiga ah ee Puntlandes waxay idiin soo gudbinaysaa sidii caadada u ahayd faalanyta iyo falanqaynta dhacdooyinkii ugu waawaynaa ee usbuucu marka uu dhamaado.

404

Todobaadkan dhacdooyinkii dhacay, ee aan ku soo qaadanayno falanqaynta todobaadka, waxaa ugu cuslaa uguna waynaa ku dhawaaqitaankii Villa Xamar looga dhawaaqay, 30-07-2014,  wax  loogu yeeray  heshiis lagu dhisayo maamul gobeleed kaasoo loo samaynayo Gobolada dhexe ee Soomaaliya. Wuxuuna ka koobnaan doonaa maamulkaasi sida ay DFS shaacisay Laba Gobol oo kala ah Mudug iyo Galgaduud?
Halkan hoose ka doowo “heshiiska”

Dowlada Puntland

Puntland waa dowlad hanaqaaday maantana ay ka soo waregtay aasaaskeedii 16 sano. Waa dowlad xushmad iyo qadrin ka haysatay beesha caalamka oo ay ugu horeeyaan wadamada deriska ah. Puntland waa dowlad aduunku aqoonsan yahay in ay tahay dowlada kaliya ee ka dhisan Sommaliya, marka laga reebo Somaland, oo ah xubin ka mid noqon doonta dowladaha ay ka koobnaan doonto JFS. Puntland dariiqyo fara badan oo xiriir ayey leedahay.

Yaa Goobjoog ka ahaa ”Heshiiska”

Waxaa goobjoog ka ahaa saxiixa, wax loogu yeeray heshiiskii lagu dhisayey dowlada gobolada dhexe kana kooban Mudug iyo Galgaduud, beesha caalamka kuwooda aadka faraha ugula jira Soomaaliya ama aynu oran karno way gooyaan siyaasada Soomaaliya. Waxaana ka mid ahaa Xafiiska UNSOM, EU, IGAD iyo Safiiro badan.

Madaxweynaha Puntland Dr Gaas waa uu Ogaa khiyaanada Mudug la rabo in lagu dhaco.

Waxaan marnaba macquul ahayn in beesha caalamku ay saxiixdo kuna hanjabto in ay talaabo ka qaadayaan cidii ka hortimaada sidii heshiiskii Adis Ababa ee lagu heshiisiiyey DFS iyo Jubbaland iyoi kii maaamulka sadexda gobol Bay, Bakool iyo Shabeelaha Hoose ee Xamar. Wax dhici kara maaha in aan lala socodsiin Puntland iska daa markii la saxiixayee bilowgii hindisaha. Dr Gaas waa uu ogaa ilaa iyo bilowgeedii waana ogolaaday in Gobolka Mudug oo dadkii lahaa soo taagan yihiin in uu ku gato damaciisa guracan ee uu ku jiro olole wax badan ka soo hormaray xiligiisii. Arintan taariikhiga ah ee uu ninkii difaaci lahaa Gobolkuu oo mar ka soo jeeday marna madaxweynaha u ahaa uu ogolaaday damac xun oo dhac aana sinaba u suutoobayn ee lagu rabo in Gobolka Mudug looga jaro Puntland.

Sidee buu rabaa Dr Gaas in uu reer Mudug iyo reer Puntland ku maaweeliyo

Xiriirka Puntland iyo DFS waa jarnaa waxaana jaray dowladii ka horeysay tan Dr Gaas ee uu madaxda ka ahaa Dr Faroole. Waxay u jartay xiriirka waa ka wada dheregsan nahay.  Hadaba Gaas muxuu sameeyey markuu xukunka yimid? ma la heshiiyey DFS si loo wado jeedo, haba ka tanaasulo qodobadii la isku hayey e. Maya, maya, maya. Wax heshiis ah oo sharci ah lamuu gelin DFS ee xiriirkii buu u soo celiyey si bilaa sharci ah markii wax laga waydiiyana dadkuu marin habaabin iyo been cad u sheegi jiray. Isagoo mar walba leh ma soo celin wali waa go,an yahay. Waxaana u dambeeyey kii Baarlamaanku waydiiyey 23-07-2014

Hadaba reer Mudug iyo reer Puntlanoow Dr Gaas waxaa u qorshaysan in uu tii hore ee uu ku macaashay maaweelada ku dhisnayd uu idinku maaweeliyo. Iskana dhigo nin difaacaya midnimada Puntland.

Ninkii diidayoow diid kii ka naxayoow ka nax Dr Gaas waa ogaa raali buuna ka ahaa  hadana ka yahay ee inaguu sidii caadada ahayd na marin habaabiyo.

Ilaa imisa saacadood baa ka soo wareegtay ”Heshiiskii uu raaliga ka ahaa” iyo go,aankii maaweelinta ahaa

Duhurkii 30-07-2014 ayey ahayd markii Vila Xamar laga shaaciyey in uu Madaxa Vila Xamar dhisay maamul ka kooban labo Gobol oo kala ah Mudug iyo Galgaduud. Faahfaahin riix halkan

412

Muxuu sameeyey maalinkaas Dr gaas? Wuxuu isku soo masawiray caruur loo keenay madaxtooyada in lagu maaweeliyo cunug yar oo Maraykanka madaxtooyadu ka keentay, si uusan u dareemin kalinimo. Hada ogow waa la socday in wax khiyaano ku ah Puntland ay ka socoto Xamar.

 

Warka ka soo yeeray Vila Xamar wuxuu ahaa war haddii madaxweynaha Puntland uu jiifo, haddii uu fasax yahay iyo wax kasta oo uuhayo. Xataa haddii warkaasi soo dhici lahaa saq dhexe oo habeenkii wuxuu ahaa war aan sugid lahayn, aana dib loo dhigi karin. Isla markaan go,aan deg dega ay ahayd in ay Puntland ka soo saarto. Ogoow akhristoow waa hadii uusan ogayn ogolaana, raalina ka ahayn in Mudug la dhaco

Hadaba Dr Gaas maalintii koowaad waa uu iska dhaga tiray maalintii labaadna wuxuu bilaabay in uu Garowe isku soo sawiro isagoo dhahaya mashaariic baan furayaa, kuwana waa dhagax dhigayaa!!!! Cajiiib. Faahfaahin riix halkan.

Bal halkan hoose ka daawo farxada iyo rayn raynta ka muuqada Dr Gaas.

Ogoow akhristoow waa madaxweyne gobol dhan oo dalkiisa ka mid ah la qaatay????

 

Habeenimadii Khamiista ooy taariikhdu ahayd 31-07-2014 , (fiiro gaar ah: hada arintani waxaa la faafiyey mudo laga joogo 48 saac), ayuu sidii qof hada soo baraarugay golihiisa wasiirada shir isugu yeeray, qabtayna shirjaraa,id. Waxaana ka soo baxay qodobadan hoose

1-Dawada Puntland waxay ka soo hor jeedaa heshiska maamul usamaynta Gobolada dhexe kaasoo khilaafsan dastuurka dawlada federaalka

2-Waxay dawlada puntland aad uga xuntahay ka qaybgalka Xunbnaha Beesha caalamka iyo in ay marhkaarti ka noqoto heshiis khilaafsan dastuurka Dawlada federaalka

3-Waxay dawlada Puntland nasiibdaro u aragtaa in madaxdiisare ee dowlada federaalka ay horsed ka noqdaan heshiis ka hor imaanaya Dastuurka dawlada federaalka ah iskana horkenaya Bulshada somaliyeed

4-Dawlada Puntland waxay wada tashi ugu yeeraysaa Xubnaha kaga jira Goloyaasha dawlada dhexa ee ka soo jeeda deeganada Dawlada Puntland muddo 15 casho gudahood, ugu dambeyn 15 August 2014.

5-Dawlada Puntland waxay dib ugu yeeraysaa xubintii uga wakiilka aheyd Gudiga dib u eegista Dastuurka Marwo Caasha Geele Diriye

6-Dawlada Puntland waxay go aan ku gaartay inay gabi ahaanba joojiso wixii xiriir iyo wada shaqayn ah ee ay la lehayd dawlada dhexe ee federaalka

7-Dawlada Puntland waxay cadaynaysaa wax ala wixii dhib ah ee ka yimaada heshiiskaas aan sharciga ahayn ee mamul u samaynta Gobolada dhexe ee lagu sheeganayey qayba ka mid ah Deegaanada Puntland ay mas uul ka tahay dawlada federaalka ah

Sababta ku keliftay go,aankan

In uu maaweeliyo reer Puntland waa ku qasbanaa. Haddii kale kursigiisa uu rabo in uu ku fadhiyo inta uu Xamar ka tagayo ayuu waynlahaa. Maxaa kaga xumaanaya 7 bilood buu ku hogaaminayey riwaayad ah wali waa jaran yahay xiriirka Puntland iyo Xamar isagoo isla maalintuu madaxweynaha noqday soo celiyey xiriirkaas.

Gabagabo

Arintan foosha xun ee soo shaac baxday 30 kii july waa arin lagu qancinayey in ay ka haraan sheegashada Shabeelaha Hoose ay sheeganayeen qolyaha Xamar ku habsaday. Iyagu waxay is tuseen oo rabeen haddiiba ay qasab noqoto in Federaal la qaado, hada ogoow waa ka soo horjeedaan federaalka, in ay yeeshaan laba dowladood ugu yaraan! Labadii dowladood ee ay rabeen haddii Shabeele Reer Baydhabo u diideen, waxaa jilicsanaatay Puntland. Waxay is tuseen wax aan horey u dhicin hadana dhacayn oo ah in reer Mudug har cad iyaga iyo dhulkooda la isla dhaco.

Maxaa la gudboon Reer Mudug iyo reer Puntland

Inaysan isku halyn Dr Gaas ka ogolaaday oo bixiyey Gobolkii dhamaa ee Mudug. Khaasatan waa in reer Mudug qaladaalkii hore ayan dib u samayn taariikhdana wax ka bartaan. Tusaale ahaan qaladkii waynaa ee ay galeen 1991 markii ay is dhigteen iyagoo duulaan lagu soo yahay. Hadalkooduna ahaa ma anaa la imaan karaa, ma anagay na soo weerari karaan iwm. Wixii ka dhacay waa la ogaa. Ha isdhiganina maanta hana isku halaynina Dr Gaas waa idin gataye. Haddi kale maalin kale oo shalayto iyo dhiig badan oo daata  ayaa imaandoona.

Falanqaynta Puntlandes

Puntlandes.com

info@puntlandes.com

About The Author

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *