Sawirro: Dowladda Puntland oo kormeertay mashruuc dhismaha waddada Bacaadweyn ilaa Dusmada ooo ay maalgelinayso Puntland
default
08 Aug 2026 (Puntland.com) Wafdi ka socda dowladda Puntland ayaa saaka kormeer ku tagay dhismaha waddada Bacaadweyn ilaa Dusmada, mashruuc ay maalgelinayso Puntland, fulintiisana ay gacanta ku hayso shirkadda Kebarco.
Wafdiga waxaa hoggaaminayay boorka hay’adda waddooyinka Puntland (PHA) oo ay ka mid yihiin Wasiirka howlaha guud, Faarax Cawad Jaamac, Wasiirka maaliyadda, Maxamed Faarax Maxamuud, Wasiirka qorsheynta, Yuusuf Maxamed Maxamuud Barre Faatax, Agaasimaha Madaxtooyada Puntland, Caarshe Maxamed Siciid iyo Agaasimaha guud ee Bangiga Puntland, Faysal Cabdullaahi Warsame Murcanyo.
Sidoo kale wafdiga waxaa qayb ka ahaa Wasiirka Gargaarka, Cabdinaasir Yuusuf Xaaji Green, Guddoomiyaha PHA, Cabdititaax Sugulle Guddoomiye ku-xigeenka PHA, Cabdirisaaq Xayir iyo Maamulaha shirkadda Kebarco, Faysal Baaburaqiis.
Wafdiga ayaa intii ay kormeerka ku jireen la kulmay maamulada iyo bulshada deegaannada Margaaga, Bacaadweyn, Cagaaran iyo Horogle. Dadweynaha ayaa dowladda uga mahadceliyay dadaalka ay ku bixisay dhismaha waddada Bacaadweyn ilaa Gaalkacyo, taas oo muhiim u ah isu socodka bulshada iyo koboca ganacsiga gobolka.



























