Sawirro: Madaxweyne Deni oo kulan la qaatay Nabadoonnada & odayaasha gobolka Mudug
09 Aug 2026 (Puntland.com) Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Qasriga Madaxtooyada ee Gaalkacyo kulan kula qaatay nabadoonnada iyo odayaasha dhaqanka ee Gobolka Mudug.
Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda guud ee Gobolka Mudug, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo horumarka sida mashaariicda horumarineed ee Dowladda Puntland ka waddo Gobolka Mudug, oo ay ka midyihiin dhamaystirka jidka isku xira Gaalkacyo iyo Garoowe iyo mashruuca biyo-saarka magaalada Gaalkacyo oo dhawaan bilaaban doona.
Madaxweynaha ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo amniga iyo xasilloonida, lana dardargeliyo mashaariicda horumarineed ee wax-ku-oolka u ah bulshada Gobolka Mudug.
































