Puntland oo shaacisay in ay maanta si rasmi ah u soo afjartay wejiga 1aad ee hawlgalka lagu soo afjarayo ciidankii uu maamulka Xasan Sheekh kaqortay gobolka Mudug

1a1a1

10 Aug 2026 (Puntland.com) Puntland ayaa shaacisey in ay soo afmeertay howlkeedii ka dhanka ahaa ciidamada Federaalka ee Gobolka Mudug, iyadoo laamaha amnigu tilmaameen in dhammaantood ku biireen ciidanka Puntland, loona furayo tababar & dib-u-qaabayn.

Hoos ka akhriso warsaxaafadeedka:

Gaalkacyo, Agoosto 10, 2026: Ciidanka Difaaca Puntland ayaa si rasmi ah u soo gabagabeeyay wejigii koowaad ee hawlgalka amni ee Gobolka Mudug, kaas oo diiradda lagu saaray xoojinta amniga, soo celinta kala dambeynta iyo mideynta awoodda amniga ee hoos timaadda hay’adaha dawladda.

Intii uu socday hawlgalku, maleeshiyaadkii hubaysnaa ee ku sugnaa Gaalkacyo ayaa aqbalay inay ka mid noqdaan Ciidanka Difaaca Puntland. Waxaa hadda lagu biirinayaa qaab-dhismeedka rasmiga ah ee ciidanka, waxaana la gelinayaa tababar iyo dib-u-habayn ciidan si loo waafajiyo nidaamka, anshaxa, habraacyada iyo silsiladda taliska.

Soo afjaridda wejigan koowaad waxay ka dhigan tahay tallaabo muhiim ah oo loo qaaday xoojinta awoodda hay’adaha amniga, mideynta taliska iyo xaqiijinta in awoodda hubaysan ay ku hoos shaqeyso hay’adaha dowliga ah ee sharciga ah.

Ciidanka Difaaca Puntland wuxuu adkeynayaa in hawlgallada amni loo fulinayo si waafaqsan Dastuurka iyo shuruucda dalka, iyadoo mudnaanta la siinayo badbaadada shacabka, ilaalinta hantida iyo xasilloonida guud.

Dowladda Puntland waxay uga mahadcelinaysaa shacabka Gobolka Mudug wada-shaqeyntooda iyo taageerada ay u fidiyeen hay’adaha amniga, waxayna ku boorrinaysaa inay sii xoojiyaan doorkooda ku aaddan ilaalinta nabadda iyo kala dambeynta.

— DHAMMAAD —

About The Author