Sawirro: Guddoomiye Kuxigeenka 1aad ee Gobolka Mudug & Taliyaha Booliska Gobolka oo kormeeray degmada Bursaalax ee Gobolka Mudug

1a1a2

11 Aug 2026 (Puntland.com) Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Mudug, G/Sare Maxamuud Muuse Bille (Farda-fuul), Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad ee Gobolka Mudug iyo Isku-duwaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Gobolka Mudug ayaa maanta kormeer ku tagay degmada Bursaalax ee Gobolka Mudug.

Ujeeddada kormeerka ayaa ahayd qiimeynta xaaladda amni ee degmada iyo xog-ogaal u noqoshada xaaladda guud ee deegaanka.

Intii ay ku sugnaayeen Bursaalax, wafdiga ayaa kulan la qaatay odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka degmada, iyadoo kulanka si gaar ah looga hadlayay arrin la xiriirta eedeysane loo haysto dil ka dhacay degmada, kaas oo ay gacanta ku hayaan ciidanka Booliska.

Kulanka ayaa looga hadlay sidii arrinta loo wajihi lahaa si waafaqsan sharciga iyo xeerarka dhaqanka, iyadoo dhinacyada ay ku heshiiyeen in muddo saddex maalmood ah loo qabto dadaallada nabadeed, si ay usoo gaaraan heshiis ku qotoma shareecada islaamka iyo xeerarka dhaqanka dowladduna ay ka warsugto mudadaas

Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Mudug ayaa sidoo kale adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la ilaaliyo amniga iyo xasilloonida degmada, iyadoo arrimaha khilaafaadka lagu xallinayo wada-hadal iyo hannaan sharci ah.

About The Author