Dawladda Puntland oo soo afmeertay guud ahaan ciidamadii maamulka Xasan Sheekh ee deegaannadeeda
14 Aug 2026 (Puntland.com) Siyaasiyiin iyo waxgaradka ka soo jededa Gobolka Nugaal oo caawa la shiray Taliye Jimcaale Takar oo hoggaamiya ciidamada Danab ee fadhigoodu yahay duleedka caasimadda Garowe ee Ligle ayaa isku raacay in ciidamadaan ay ay si toos ah ula wareegto dawladda Puntland.
Waxay marka hore Dowladda Puntland ku samaynaysaa diwaangelin rasmi ah, isla markaasna waxay bixinaysaa xuquuqda si joogta ah, iyadoo si toos ah uga baxay DFS oo ay ka diwaangashnaayeen.
Talabadaas ayaa waxay imanaysa xilli galabta dhaqdhaqaaq ciidan ay samaysay Puntland, oo hadda soo afmeertay guud ahaan ciidamadii DFS ee deegaannadeeda.