Sawirro: Madaxweynaha Dowladda Puntland oo kulan is-xogwareysi ah kula qaatay saraakiisha ciidamada kala duwan & masuuliyiinta golayaasha Dowladda Puntland ee ku sugan gobolka Mudug
15 Aug 2026 (Puntland.com) Madaxweynaha Dowladda Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo safar shaqo ku jooga Gaalkacyo, ayaa caawa Aqalka Madaxtooyada ee magaalada Gaalkacayo kulan is-xogwareysi ah kula qaatay saraakiisha ciidamada kala duwan iyo masuuliyiinta golayaasha Dowladda Puntland ee ku sugan gobolka Mudug.
Kulanka ayaa looga hadlay guud ahaan xaaladda Gobolka Mudug, gaar ahaan dhinacyada Amniga, dib-u-habeynta Ciidamada ku sugan degmooyinka Saaxo, Gaalkacayo iyo Galdogob, iyo dardargelinta mashaariicda horumarin ee ka socda Gobolka oo isugu jira Kaabayaal dhaqaale iyo xarumaha bixiya Adeegyada bulshada.











