Dowladda Puntland oo amartay in hoteellada, apartment-yada iyo guest house-yada guud ahaan deegaanada Puntland aysan wada dejin karin lamaane aan haysan Shahaadada Guurka
16 Aug 2026 (Puntland.com) Dowladda Puntland ayaa amartay in hoteellada, apartment-yada iyo guest house-yada guud ahaan deegaanada Puntland aysan wada dejin karin lamaane aan haysan Shahaadada Nikaaxa/Guurka.
Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Diinta Puntland ayaa ku wargelisay goobaha hoyga bixiya in ay waajib tahay in lamaanaha wada degaya ama wada seexanaya ay haystaan Shahaadada Nikaaxa/Guurka oo ay bixisay Wasaaradda.
Goobaha hoteellada, apartment-yada iyo guest house-yada ayaa lagu faray in ay hubiyaan caddeynta nikaaxa ka hor inta aysan qol ama hoy wada siin lamaane.
