Soomaaliya oo ka hortimid aqoonsi dadban oo loo muujiyey Waqooyiga Qubrus

Skärmbild 2026-04-12 224634

21 Aug 2026 (Puntland.com) Dawladda Soomaaliya ayaa si cad uga hortimid hadal loo arkay aqoonsi dadban oo guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, Cabdiqaadir Maxamed Nuur Jaamac, uu u muujiyey Jamhuuriyadda Waqooyiga Qubrus.

Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in hadalka guddoomiyuhu aanu metelin mowqifka rasmiga ah ee dowladda federaalka. Wasaaraddu waxay caddeysay in Soomaaliya ay aqoonsan tahay madax-bannaanida Jamhuuriyadda Qubrus oo keliya.

Soomaaliya ayaa sidoo kale ku celisay inay ixtiraamayso midnimada iyo madax-bannaanida Qubrus, isla markaana aanay aqbalayn wax tallaabo ah oo loo fasiran karo aqoonsi la siiyey Waqooyiga Qubrus, oo ay taageerto Turkiga.

Muran ayaa ka dhashay qoraal uu dhawaan baahiyey guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, kaas oo uu ku sheegay inuu xiriir la sameeyey dhiggiisa Waqooyiga Qubrus.

Warar kala duwan ayaa sheegaya in tallaabadaasi ay walaac ka dhalisay dalalka reer Yurub, kuwaas oo Soomaaliya ka dalbaday inay si cad u qeexdo mowqifkeeda ku aaddan Waqooyiga Qubrus. Jamhuuriyadda Waqooyiga Qubrus ayaa ka go’day Jamhuuriyadda Qubrus, balse waxaa si rasmi ah u aqoonsan oo keliya Turkiga.

About The Author