Sawirro: Wasiirka Qorshaynta Puntland oo la kulmay Madaxa bangiga Aduunka ee Soomaaliya

1a1a3

21 Aug 2026 (Puntland.com) Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ee dowladda Puntland Yuusuf Axmed Maxamed (Barre Faatax) oo safar shaqo ku jooga magaalada Nairobi ayaa kulamo gaar ah la yeeshay Madaxa Bangiga Aduunka Soomaaliya Mudane Hideki Matsunaga.

Kulankaan ayaa diiradda lagu saaray sidii looga faaideysan-lahaa taageerada Bangiga Aduunka sido kale laguna dardar geliyo mashaariicda taagan iyo in sare loo qaado iskaashiga iyo maalgelinta qorshayaasha mudnaanta leh ee dowladda Puntland.

Wasiirku wuxuu Bangiga la wadaagay mudnaanta dowladda Puntland iyo jihada Qorshaha Horumarinta Puntland (PDP-4) 2026–2030, isagoo adkeeyay muhiimadda ay leedahay in taageerada iyo maalgelinta horumarineed lagu waafajiyo qorshayaasha iyo mudnaanta dowladda.

Kulamadaan ayaa qeyb ka ah dadaallada Wasaaradda ee xoojinta iskaashiga caalamiga ah, abaabulka kheyraadka iyo dhisidda iskaashi waara oo gacan ka geysta hirgelinta mudnaanta horumarineed ee Puntland.

About The Author