GAAS oo Cumar Faraweyne u magacaabay Gudoomiyaha Gobolka Nugaal

16 Sep 2015 (Puntlandes) Wararka ay Warbaahinta Puntlandes ka helayso Madsaxtooyadda Puntland ayaa sheegaya in Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali GAAS uu Gobolka Nugaal u soo magacaabay Gudoomiye Cusub, Cumar Cabdullaahi Maxamed Faraweyne.

80c

Cumar Faraweyne ayaa soo noqday Taliyaha ciidanka Madaxtooyada Puntland, isagoo xilka ciidanka madaxtooyada uu GAAS ka qaaday sanadkii hore 2014kii.

In Godoomiyihii hore Xilka laga qaado mid cusubna loo Magacaabo Gudoomiyaha Gobolka Nugaal ayaa hadal haynteedu ay jirtay iyadoo ay sababta kaliya ay tahay ín Gudoomiyaha Degmada Garowe ee dhawaan la doortay ay isku jifo kasoo wada jeedaan Godoomiyihii hore ee Gobolka Nugaal.

Waa nasiib daro in Mas’uul shaqadiisa u gudanaya si hufan in uu xilkiisa ku waayo qof aad isku jifo tihiin ayaa xil kale helay, iyadoo aan la aqoon sida uu xilkiisa u gudanayo shaqsiga cusub.

Puntlandes.com

About The Author