Muuqaal: Hadaljeedintii MD Deni oo booqday Dugsiga Tababarka Ciidanka ee Gen. Carays oo ku yaallaa deegaanka Godod
22 Aug 2026 (Puntland.com) Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa booqday Dugsiga Tababarka Ciidanka ee Gen. Carays oo ku yaallaa deegaanka Godod, halkaas oo uu salaan sharaf kaga qaatay Cutubyo ka tirsan ciidanka Dowladda Puntland ee tababarka ku qaadanaya dugsiga.
Madaxweynaha ayaa muujiyey muhiimada uu Dowladda iyo dadka reer Puntland u leeyahay Dugsiga Gen. Carays oo ka mid ah xarumaha lagu tababaro Ciidamada kala duwan, isagoo ciidamada tababarka kujira ku boorriyey inay si wanaagsan uga faa’iidaystaan tababarka ay qaadanayaan, isla markaana ay muujiyaan dadaal, karti iyo anshax ciidan.