Sawirro: Madaxweyne Deni oo si diirran loogu soo dhaweeyeen deegaanka Bali-busle ee Gobolka Mudug

1a1a3

22 Aug 2026 (Puntland.com) Madaxweynaha Dowladda Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray deegaanka Bali-busle ee Gobolka Mudug, halkaas oo ay si diirran ugu soo dhaweeyeen maamulka, waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada deegaanka.

Madaxweynaha ayaa kulan la qaadanaya maamulka iyo bulshada deegaanka Bali-busle , isaga oo dhegaysanaya warbixintooda, isla markaana u kuurgalaya xaaladda deegaanka, gaar ahaan dhinacyada nabadgelyada, horumarka iyo baahiyaha ka jira deegaanka.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa inta aanu soo gaarin deegaanka Bali-busle waxa uu soo maray deegaanka Ceel-berdaale, halkaas oo uu kula hadlay bulshada deegaanka.

About The Author