Akhri: Wasiirka Warfaafinta PL oo soo saaray Qoraal uu Radio Muqdisho kaga mamnuucday Puntland & GAAS oo diidi doona

16 Sep 2015 (Puntlandes) Qoraal ka soo baxay Xafiiska Wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud Xasan Soocade ayaa lagu sheegay in dowladda Puntland mabnuucday in Radio Muqdisho laga dhegaysto Puntland.

Wasiirka Warfaafinta ayaa u digtay Warbaahinta gaarka loo leeyahay inay baahiyaan Radio Muqdisho.

Wasiirka Warfaafinta wuxuu Radio Muqdisho ku eedeyey in uu baahiyo warar khalkhal ku ah Puntland iyo shacabkeeda.

Waxaa la sugayaa Qoraalka kan soo horjeedo oo kasoo bixi doona ”Dawladda Puntland” ileen waxaa dawladda Puntland ah GAAS oo kaliya e. GAAS  ma jecla in laga taataabto Xamar Puntland ta uu madaxweynaha u yahayna waxa uu ka jecel yahay Villa Somaliyada Xasan Sheekh!!!

Horay ayaa wasiir dawladda GAAS ka tirsan go’aan uga qaatay Xamar waxaana wax kama jiraan ka dhigay GAAS, tana waxaa la filayaa sidii hore oo kale.

Akhr qoraalka

82

Puntlandes.com

About The Author