WAR DEG DEG AH: Akhri GAAS oo u tanaasulay DAMUL JADIID

21 Sep 2015 (Puntlandes) Warsaxaafadeed kasoo baxay madaxweynaha Puntland GAAS oo uu ku saxiixnaa afhayeenkiisa ayaa muujinayaa in GAAS lagu qasbay inuu ka tanaasulo Qodobo Dastuuri ah, Dastuurka Puntland iyo Dastuurkii ummadda Soomaaliyeed ku heshiiyey.

Qodobadaas oo ay mid yihiin sharcinimada maamulkii CADAADO lagu dhoodhoobay, guddiyadii ay DFS iska magacaabatay, ku tumashada Dastuurka ee DFS, go’aankiu cadaa ee kasoo baxay baarlamanka iyo Gollaha Xukuumada Puntland

GAAS wuxuu u tanaasulay DAMUL JADIID isagoo meel isaga tuuray danaha Puntland iyo ummadda Soomaaliyeed.

Hoos ka akhri warsaxaafadeedkii GAAS e

WARSAXAAFADEED: Mowqifka dowladda Puntland ee shirka wadatashiga qaran ee geeddi socodka doorashada 2016

Dawladda Puntland iyadoo ilaalinaysa mas’uuliyadda ka saaran dadkeeda iyo ummadda Soomaaliyeed waxay go’aansatay in ay ka qeyb-qaadato geedi socodka doorashooyinka 2016-ka. Puntland waxay si rasmi ah uga soo qayb qashay shirka Wadatashiga Qaran ee doorashooyinka 2016 ee ka furmay Muqdisho 19 Sept, 2016.

Daahfurkii shirka  waxaa ka hadley Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas, wuxuuna u sheegay madaxda Soomaaliyeed iyo beesha caalamka in Puntland  ay diyaar u tahay ka qeyb-qaadasha hiigisga doorashooyinka 2016. Madaxweynuhu wuxuu  khudbadiisa ku sheegay in ay jirto arrimo badan oo Puntland aysan raali ka aheyn isla markaasna ay doonayso in la saxo inta ka horaysa gudagalka hannaanka geedi socodka doorashada 2016. Wuxuu kaloo Madaxweynuhu ugu baaqay beesha caalamka in ay ummadda Soomaaliyeed u noqdaan dhex-dhexaad.

Ergadii Puntland waxay ka qeybgaleen shirkii kowaad ee guddiga farsamo ee la qabtay 19 September, waxayna Puntland u caddaysay shirka in laga doonayo DFS inay  caddayso sharciyada Maamulada qaarkood ay ku fadhiyeen shirka taasoo ay DFS ay ku guuldaraysatay. Sidaas darteed Puntland waxay ka baxday shirka  maalintaas, kadibna waxay u diyaar garowday sidii shirka  loo sixi lahaa.

Dawladda Puntlad waxay u soo bandhigtay DFS, Dawladaha xubinta ka ah DFS iyo beesha caalamka mabaa’diida asaasiga ah iyo aragtideeda ku aadan geedi socodka dooroshada 2016 taaso ay tahay in la fulliyo ka hor doorashada.

Dhammaad.

About The Author