Wareerka ka jira Mowqifka rasmiga ah ee xukuumadda Puntland ee shirkii Xamar.

Siyaasiyiinta Soomaalida, ayaa waxaa caado u ah,  in ay siyaasadda u yaqaanaan ama ay ka fahamsan yihiin khalad ah in ay tahay siyaasaddu, wax khiyaamid, been sheegid, iyo Jaah wareerin shacbi.

Marka la eego xukuumadda Madaxweyne Cabdiweli Gaas, muddadii halka sano iyo sagaalka bilood ahayd, hab dhaqankooda siyaasadeed, waxaa kuu soo baxaysa in uu isagu PhD ku haysto arrintaas. Iyadoo inta badan ay ka soo baxaan xafiisyada xukuumadda,  go´aamo is burinaya iyo war saxaafadeed ulajeedooyin badan leh.

Waxaa ugu danbeysey arrintaas jaah wareersan, shirkii shalay oo isniin ahayd, taariikhduna ku beegnayd 21 sep. 15 ku soo idlaaday Xamar.

Galabnimadii waxaa soo baxay war saxaafadeed uu akhriyey af-hayeenka Xukuumadda  Puntland C/laahi Maxamed Jaamac (Quraan Jecel) isagoo taxay shuruudaha ay Puntland ku xirtay ka qayb galka shirka. Isagoo isla markaa caddeeyey in aysan shirka ka mid ahayn.

Isla xalay ayaa arrini si kasta ha ahaatee, waxaa shirkii laga soo saaray wax loogu yeeray, war murtiyeed ay u dhan yihiin madaxda Soomaalidu.

Qoraalka war murtiyeedku wuxuu si toos ah u khilaafsan yahay, shuruudihii ay Puntland uga baxday shirka. Iyadoo maamullo aan dastuurka waafaqsanayn lagu qoray in ay wax ka qoreen, ama wax ka soo saareen.

Waxaa isla xalay arrintaas wax laga weydiiyey af-hayeenka Xukuumadda Puntland. Wuxuu caddeeyey in ay Puntland qayb ka ahayd oo uu war saxaafadeedku rasmi yahay, taas oo ay Puntland ogoshahay. Ogow shuruudihii ay markii hore sheegeen in ay shirka uga baxeen, ayaa si toos ah loo jebiyaye.

Waxaa, middaas dheer inuu, war murtiyeedku ku tuntay, Dastuurka federaalka oo dhigaya in maamul goboleed loo aqoonsan karo labo gobol iyo wixii ka badan. Waxaa ka muuqday Galmudug, koonfurgalbeed, Puntland iyo Jubaland.

Saaka oo talaado ah 22 sep. 15, ayaa, hadana waxaa saxaafadda Puntland loo qaybshey, qoraal uu soo saaray Xafiiska warfaafinta iyo wacyigelinta madaxtooyada Puntland. Qoraalkaas oo ciwaan looga dhigay. Mabaadiida aasaasiga ah.

Kaas oo ay ku taxan yihiin, shuruudo u badan kuwii ay Puntland ka hor Cabdiweli Gaas, soo jeedin jirtey. Shuruudahaas oo sababay in xiriirka loo jaro Xamar.

Ogow Shuruudahaas markii uu Cabdiweligaas meesha yimi, ganafka ayaa lagu jiidaye. Taas oo keentay in inta badan dadka reer Puntland ku eedayn jireen jebin Mabaadiidii guud ee Puntland.

Qoraalkaan waxaa kale oo ku jira soo jeedino ah sida doorasho lagu geli karo 2016. Soojeedinadaas oo ah kuwii laga diidey Xamar, ka hor inta aysan iyagu (waa Xamare) soo saarin warmurtiyeed ku saabsan sida Doorasho lagu geli karo, taas oo ay Puntland caddaysay in ay ku raacsan tahay kana mid tahay.

Akhristow ma fahamtey? Misse waa ku wareedhay?

Runtu, waxaa weeye wax la jahmi karo meesha ma yaalaan, waana dulucda cinwaanka qormadaan ee ah, Wareerka ka jira Mowqifka  rasmigaa ee Dr. Gaas iyo xukuumaddiisa ee shirka.

Horta waa maxay  mowqifka rasmigaa ee ku saabsan arrinta murugsan ee Siyaasadda Soomaaliya gabi ahaanteed? Bal inta aan doorasho laga hadal.

Sow doorasho in laga hadlo, kama horrayso in la wadaago mabaadii guud?

Sow marka hore in dastuur iyo federaal la isla ogol yahay ma aha?

Waxoodu ma jaah wareerin, iyo khiyaamayn shacabka Puntland oo kaliyaa?

85a

Arrintu ma Legga jecli Lugta jecli baa?

Waxaa meeshaas iiga soo baxday aniga, in wax mowqif rasmi ah oo ay leeyihiin aysan jirin.

Roadmap:ka runta ahna waxaa wata Nicholas Kay, iyo Xassan Shiik. Cabdiweli Gaasna waxaa loo jeexay khad cusub oo uu ku maaweeliyo shacabka reer Puntland oo iyagu quus ka taagan siyaasaddaan wareega cadaynaysa ee xukuumadda Gaas.

Xaajadu waa sidii hore oo wax iska bedelay majiraan Gaas iyo xukuumaddiisa nacamleyaasha ah. Arrinina waa, DIIDNEY, HADANA YEELAY, CAROONAY, HADANA NALA SOO MASLAX. OOYNEY, NALA KA QOSLI.

Reer Puntlandow idin mee????

1474

W/Q: Maxamed Saliid Calisamey
Email: mxsaliid@gmail.com

Puntlandes.com

About The Author