Dhageyso sawirro: Shirakada CCECC ee dhisaysa garoonka diyaaradaha Boosaso iyo Hay’adda UNOPS oo kala saxiixday Hashiiska lagu dhisayo Garoonkaasi

0

Garowe (Pes) Madaxweynaha Dowladda  Puntland Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa maanta goob joog ka ahaa hishiis kama dambays ah oo ay xarunta madaxtooyada ku wada gaareen shikada CCECC dhisaysa garoonka diyaaraddaha ee magaalada Bosaso.iyo

hay’adda UNOPS ee qaramada midoobay u qaabilsan mashaariicyda.

 

Madaxweynaha dowladda  Puntland ayaa ku qaabilay madaxtooyada Puntland saraakiisha ka socotay shirkadaan iyo xafiiska UNOPS. Waxayna kulanka kaga wadohadleen hishiiska dhismaha garoonka.

 

Shir jiraa’id oo saxaafada loo qabtay ayuu madaxweynuhu sheegay inay ku faraxsan yihiin hishiiskaan ayna kalsooni buuxda ku qabaan shirkada dhisaysa garoonka, Isagoo sheegay inay u arkaan mid kasoo bixi karta waajiabadka loo igmaday.

 

Madaxa hay’adda CCECC (China Civil engineering construction corporation) Juan Li oo shirka jiraa’id ka hadlay ayaa sheegay inay ka go’an tahay inay si wanaagsan ugasoo bixidoonaan dhismaha garoonka diyaaradaha Basaso.Wuxuuna sheegay in ay muddo bil ah halkaan ku keenidoonaa qaar kamid ah shaqaalahooda iyo qalabkooda si aan shaqada u bilaabaan

 

Madaxda hay’adda UNOPS uqaabilsan Kenya ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin hishiiskaan ay la galeen CCECC. Wuxuuna sheegay inay halkaan u yimaadeen hubinta tayada mashruucaan iyo inuu yahay mid wanaagsan.

 

Hoos ka dhageyso codka madaxweynaha.

 

472

473

474

475

476

477

478

 

Xafiiska wararka
Puntlandes.com

 

About The Author

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *