Puntland oo aan cadeyn aragtideeda go’aanka shirkii Muqdisho

87d

Shalay galinkii danbe (Isniin) shirka lagu magacaabay madasha wadatashiga heerka qaran ee Muqdisho kusoo dhammaaday ayaa laga soo saaray War-murtiyeed aan si dhab ah uga hadlin wixii la isku dhaafsaday iyo aragtiyada mamulada ka qayb galay siday ahayd.

Puntland oo ugu tun-weynayd dowladdihii shirkaasi ka qayb galay, madax u hadashay waxay sheegeen in shirka fadhiyeen maalintii koowaad balse wixii ka danbeeyay aysan warba ka heyn.

Sidaasi waxaa sheegay Afhayeenka madaxtooyadda Puntland Cabdilaahi Axmed Jaamac (Quraan-jecel) oo xalay la hadlayay Universal TV ”Waxaan ka war haynaa furitaankii shirka oo madaxwaynaha Puntland labo qodob kasoo jeediyay, laakiin shirarkii ka danbeeyay waan ka maqnayn mana aanan joogin”.

Puntland weli ma aysan cadeyn siday u arkaan qoraalkii koobnaa ee kasoo baxay shirka, marka laga tago diidmo ay ka muujiyeen joogitaanka shirka Galmudug oo aan buuxin shuraahdaha laga doonayo mamulada ka midka noqonaya dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Riix si aad u akhriso wixii kasoo baxay shirka Xamar Shalay  War-murtiyeed

Shcabka Puntland ayaa fahansan in madaxda Puntland gaar ahaan madaxwayne Cabdiweli Cali Gaas horay u sheegay inuusan Galmudug shir la hor fariisan karin, balse waxaa taasi beeniyay shirkii Muqdisho oo gabo-gabadiisii laga soo saaray qoraal la rumaysan yahay dhinacyadii ka qayb galay inay ku qanacsan yihiin.
Madaxwayne, shacabkaaga war lagu qanco u sheeg intaadan Mudisho kasoo dhoofin

Madaxwayne, shacabkaaga war lagu qanco u sheeg intaadan Mudisho kasoo dhoofin

Sidoo kale shacabka ayaa dareensan in horay Baarlamaanka Puntland go’aan uga qaatay is-dabo marinta iyo jahwareerinta madaxda Villa Somalia ku hayaan shacabka, waxaa intaasi usii dheer in lagu tuntay sharcigii dalka oo Baarlamaanka Xamar fadhiyaa uu meelmariyay xeerar aan lagala tashan dowladdaha xubnaha ka ah dowladda dhexe.

Madaxwayne Cabdiweli Cali Gaas iyo kooxdiisa uu Muqdisho la aaday waxaa laga doonayaa inuu cadeeyo go’aanka rasmiga ah ee Xasan Shiikh iyo Damuljadiid ka qaateen,. iyadoo dhanka kale Puntland raadinayso midnimadda umadda Soomaaliyeed iyo doorasho si xalaal ah ku dhacdao wixii loo gaaro 2016.

Shirar madashada heer qaran qabsadaan iyo in laga qayb galiyo haweenka iyo dhalinyaradda ma ahan wax dhibaato ah, hase yeeshee waxaa muhiim ah in la cadeeyo sababta loo sixi la yahay is-daba marinta lagu sameeyay dastuurka dalka iyo nidaamka lagu dhaqmo, taasaa u baahan in doodo laga sameeyo oo madaxda Federaalka cadaadis lagu saaro inay dib u saxaan wixii ay khaldeen saddexdii sano ee lasoo dhaafay.

87f

Ugu danbayntii madaxwayne Gaas isagoo la kaashanaya shacabka gaar ahaan gollaha Baarlamaanka waxaa laga doonayaa inay go’aan cad la yimaadaan oo aysan ka qayb galin shirarka loogu magac darayo Qaranka oo ay dabada ka riixayaan siyaasiyiin kasoo jeeda Galmudug, Koonfur Soomaaliya iyo Damul-jadiid.

Gaas weli si cad ugama hadlin siday u arkeen qoraalka shirka kasoo baxay

 

Xigasho Puntlandtoday.com

Puntlandes.com

About The Author