Sawirro: Wafdi uu hoggaaminayo Ustaad Muxiyadiin Cabdi Faarax oo kormeeray xarumo & mashaariic kala duwan oo ka socda Caasimadda Garowe

1a1a8

19 Nov 2026 (Puntland.com) Wafdi uu hoggaaminayo Ustaad Muxiyadiin Cabdi Faarax ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay xarumo iyo mashaariic kala duwan oo ka socda Caasimadda Garowe.

Goobaha uu wafdigu booqday waxaa ka mid ahaa Amal Real Estate, Warshadda Biyaha Macaanaysa ee Shirkadda NUWACO, Cimaad Real Estate iyo Mashruuca Ballaarinta Korontada Caasimadda Garowe, halkaas oo ay ku soo indha-indheeyeen howlaha iyo adeegyada ay xarumahaasi bulshada u hayaan.

Sidoo kale, wafdiga ayaa booqasho ku tegay Xarunta Madaxtooyada Dowladda Puntland, halkaas oo uu kuso Dhawayay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada , kulanka waxa ka Qaybgalay Duqa Caasimadda Garowe, Xoghayaha Dowladda hoose, Xildhibaano, Agaasimayaal iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda Hoose ee Garowe.

About The Author