Xukuumadda Xasan Sheekh oo caawa meelmarisey Xeerka Doorashooyinka & Xisbiyada oo jidaynaya doorasho toos ah oo ah hannaan liis-xidhan ah

1a1a9

24 Nov 2026 (Puntland.com) Xukuumadda Federaalka ayaa caawa meelmarisey Xeerka Doorashooyinka & Xisbiyada oo jidaynaya doorasho toos ah oo ah hannaan liis-xidhan ah; taas oo xulashada xildhibaanka uu yeelanayo xisbiga.

Xisbiyada oo markii hore saddex keliya ahaa waxa laga dhigey in urur kasta oo 10% hela codadka doorashada uu noqdo xisbi, tan oo horseedaysa xisbiyo badan.

Raysal wasaare Xamse oo la hadlayey Wasiirrada ayaa sheegey in mas’uul kasta oo dowladeed oo xildhibaan doonanaya ay tahay in uu ka tago xilka uu hayo ka hor doorashada, iyada oo xukuumadduna noqoneyso mid xil-gaadhsiin ah.

Tallaabooyinka uu qaadday maamulka Xasan Sheekh ayaa imanaya, iyadoo Uganda iyo dalalka ay ciidamadu ka joogaan doonayaan in ay dhexgalaan mucaaridka & dowladda, si ay u gaaraan heshiis-doorasho, balse Dowladdu waxa ay wadataa geeddi-geedigeeda mana cadda in ay u hoggaansamayso dhexdhexaadinta dibedda.

About The Author