Qurba-joogta Puntland ee Finland oo Ka Qeybgalaya Shir Looga Hadlayo Dhibaatada Internetka u Leeyahay dhalinyarada iyo dhibaatada Tahriibka‏m

Ururada qurba-joogta ayaa la isagu yeeray magaalada Sruga  ee waddanka Wadanka Makadonia ,kuwaaso ka doodaya sida loo yareen karo dhibaatada dhallinyarada Internetka iyo sidii Mediayaha ayna uga faaideysan lahaayeen dhanka waxbarashada iyo wanaaga iyo Ka Hortaga Dhibaatada Internetka u leeyahay dhalinyarada

DUPF (Dallada) Lix Xubnood oo Ka tirsan ayaa shirka ka qayb-galaya Shira wuxuu Furmay shalay 2.10-11.10.2015ka .Waxaa kaloo loogu  looga hadli doonaa Tahriibka iyo soo galootiga iyo dhibaatada ku xeeran.

Shirkan waxaa kalo lugu casumay qurbajoogta Yurub kuwooda ugu firfircoon, sida Jaaliyada Soomaalida ee Finland, Jaaliyada Turkiga ,Jaaliyada Greece,Jaaliyada roomaania,Jaaliyada Makadonia,Jaaliyada lithuania,Jaaliyada Poland,Jaaliyada Croatia,JaaliyadaCzeck Republic.

Somalida Finland ayaa waxaa laga casuumay Dalada  qurba-joogta Puntland ee Finland tanoo guul weyn u ah jaaliyada iyo wakiilka Puntland u Fadhiya Finland Mudane Cabdifatax Jaamac Janagale .

Siminaar iyo Tababarro la xiriira wacyi-galin ku aadan dhibaatada tahriibka ayaa dhowrka maalmood ugu danbeysay looga hadli doonaa shirka Sanad walba waxaa gaara qaaradda Yurub boqollaal dhallinyaro Soomaali ah,iyagoo dhibaatooyin badan la kulma inta aysan gaarin halka ay ku socdaan,halka kuwa kalana ayba ku dhintaan safarka.

About The Author