Daawo Sawiro: Shirwaynihii Beesha Reer Khalaf ee Qaarada Yurub ee Magaalada Gothenborg dalka Sweden

4 okt 2015 (Gothenborg-Sweden) Waxaa maalintii ay taariikhdu ahayd 2da oktober 2015 ka furmay magaalada Gotheborg ee dalka Sweden shir Waynihii Beesha Reer Khalaf ee Qaarada Yurub.

Shirwaynahaas ayaa waxaa marti geliyey Jaaliyada Beesha Reer Khalaf ee Dalka Sweden kasoo u dhacay Jawi aad u wanaagsan, waxaana kasoo qayb galay Shirka Jaaliyado ka kala yimid dalalka:

  1. Ingiriiska
  2. Norway
  3. Holand
  4. Denmark
  5. Sweden oo marti gelisay
  6. Dhanka telefonka waxaa kaga qayb galay Shirka Amiirka Beesha Khalaf Amiir Maxamuud Yuusuf Ciise
  7. Germany oo Shirka Yurub ka mid ahayd oo telefon ahaan uga qayb gashay
  8. Australia iyo USA oo dhan telefoonka iyana ku adkeeyey Jaaliyada Yurub, kuna Guubaabiyey in Shirkaasi ay kasoo baxaan wax taariikh u noqda Jiilalka soo socda ee Beesha Reer Khalaf.

Shirka ayaa waxaa lagu lafo guray Qodobada kala ah:

  1. Midnimada Beesha
  2. Mashaariicda socota sidii loo Xoojin lahaa
  3. Horumarinta Degaanada ay Beeshu Degto meel kasta oo ay tahay
  4. Kor u qaadida Xiriirka Jaaliyadaha Beesha ee Aduunka dacaladiisa
  5. Horumarinta iyo Taageerida Dhalinyarada Beesha

Faahfaahin kala soco Warbaahinta Puntlandes

Kala soco faahfaahin Warbaahinta Puntlandse

1

3

Puntlandes.com

About The Author