Booqashadii Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Qoyska Puntland Anisa C/qaadir Xaaji Muumin ee Canada

Jaaliyadda Soomalida ee Canada, gaar ahaan reer Puntland ayaa gacmo
furan kusoo dhaweeyey wasiirka arrimaha haweenka iyo horumarinta
qoyska ee Puntland marwo Anisa Abdulqaadir Haji Mumin oo dhawaan
booqasho gaaban kusoo gaartey Canada iyo Mareykanka.

Intii ay ku guda jirtey socdaalkeeda ayaa waxaa ay kulamo kala duwan
layeelatey qurba joogta reer Puntland ee W.America.

Magaalada Toronto ayaa lagu qabtey shir aad u weyn oo ay ka sooqeyb
galeen qeybaha kala duwan ee bulsha-weynta reer Puntland iyagoo ku soo
dhaweeyey wasiirka Marwo Anisa;
Barnaamijka oo uu xiriirinayey wariyaha ruug caddaaga ah Mohamud
Mohamed Muse (MMMuse) ayaa ahaa mid jawi aad u quruxbadan kudhacey.
Wasiirka oo hadal aad loola dhacay kasoo jeedisey fagaaraaha ayaa aad
ugu nuuxnuuxsatey horumarka ballaaran ee Puntland ay kutallaabsatey,
Iyadoo faahfaahin dheer ka bixisey siyaasada iyo qorshaha wasaaradeedu
ay dhigatey si guulo lataaban karo loo gaaro.

Qaar kamid ah xubnihii shirka kasoo qeybgaley ee qurba joogta puntland
ahaa ayaa iskula sheekeeysanayey in ay haboonaan lahayd in Anisa Haji
Mumin loogu daro wasaaradda warfaafinta Xilka ay hadda hayso, sababta
ayeey ku sheegeen ineey aad ula dheceen sida quruxda badan oo ay uga
warrantey xaaladda guud ee Puntland, waxeeyna raaciyeen ineey arkeen
markii ugu horreeysey wasiir hadal cad oo xikmadeeysan ku hadlaya kana
yimid dhulkoodii Puntland.


Sikastaba arrintu ha ahaatee, Jaaliyaddu waxeey ka codsatey in wasiir
Anisa Abdulqaadir haji Muumin ay dib ugu soo noqto Canada.

Dhinaca Kale , waxaa ay wasiir Anisa abdulqadir haji mumin booqasho ku
tagtey Ottawa oo ah caasimadda Canada iydoo kula kulaney masuuliyiin
sare oo katirsan dowladda Canada, warbixin dheer oo ay kasiisey
xaaladda haweenka iyo carruuta ee Puntland ayaa kaga ilmeeysiisey
madaxdii ay kula kulantey Xarunta looga taliyo Canada ee Parliament
Hill ama (Buurta Dowladda).

Mohamed Dahir
Toronto – Canada

About The Author