Xasan Shiikh oo warqadahii aqoonsiga ka gudoomay danjiraha Denmark

5 Okt 2015 (Puntlandes) Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Viila Somalia warqadihii aqoonsiga kaga guddoomay Danjiraha cusub ee Boqortooyada Denmark uga wakiilka ah Soomaaliya Ms. Mette Knudsen.

99e

Xasan Sheekh ayaa danjiraha cusub uga waramey xaalada iminka ee Soomaaliya gaar ahaan dhinacyada amniga, siyaasadda iyo barnaamijyada Hiigsiga 2016, iyo doorashooyinka la filayo inay dalka ka dhacaan sannadka soo socda.

99d

Danjire Knudsen oo iyana halkaasi hadal ka jeedisay ayaa sheegtay in Denmark ay sii wadi doonto taageerada ay siiso ummadda Soomaaliyeed.

About The Author