Baaq iyo go’aano kasoo baxay Shirwaynihii Beesha Reer Khalaf ee Qaarada Yurub

10

Bismilaah

Ka dib shirwayne socday 3 bari (2-4tii oktoober2015), oo ay isugu yimaadeen Jaaliyadaha Yurub ee Beesha Reer Khalaf ayaa waxay go’aan ku gaareen qodobadan soo socda:

1-Midnimada Beesha
Jaaliyadahu waxay isku raaceen in midnimada Beesha ee xagga isku xirnaanta iyo ka shaqaynta arimaha Hormuranita bulshada uu meel fiican marayo degaankasta iyo meel kasta oo Beeshu dagto, wixii dhimana insha allah la sii wadi doono hagaajinteeda.

2-Mashaariicda socota
Jaaliyaduhu waxay isku raaceen in la xoojiyo mashariicdii socotay oo uu ugu wayn yahay mashruuca barakaysan ee Bursaalax. Baahiyaha jirana la daboolo, iyadoo lala kaashanayo arinkaas guud ahaan Jaaliyadaha beesha ee caalamka daafihiisa kala jooga.

3-Horumarinta Degaanada ay Beeshu Degto
Waxaa laysku raacay in hadii ilaahay idmo la sii horumariyo si gaar ah:
a- in Mashruuca Barakaysan ee Bursaalax lagu daro Iskool farsamo gacanta.
b- in gudi loo saaray soo baara baahiyaha dhulka beeshu dagto gaar ahaan Kililka Shanaad ee Itoobiya iyadoo lala kaashanayo baaritaanka jaaliyadaha dibada iyo gudaha iyo maadaama ay baahi badan ka jirto in Ceel Riig biyood ah laga qodo deegaanka Nagaardaale ee gobolka Doollo.

4-Kor u qaadida Xiriirka Jaaliyadaha Beesha ee Aduunka dacaladiisa
Waxaa laysku raacay in dhamaan Jaaliyadaha Beesha ee aduunka dacaladiisa kala jooga in ay siyaadiyaan wada shaqaynta, gaar ahaan mashaariicda horumarineed ee Bulashada loo hayo.
Sanadakaana waxaa loo doortay in ay noqoto xarunta laga maamulo jaaliyadaha wadanka Sweden.
Xiriirka  Jaaliyadaha iyo Mashaariicda ka socota wadankii waxaa loo doortay
Jaamac C/Laahi Shire.

5-Horumarinta iyo Taageerida Dhalinyarada Beesha
Waxaa laysku raacay in la sameeyo urur mideeya dhalinyarada beesha meelkasta oo aduunka joogaan. Ururkaas oo ka shaqeeya:
a- ka wacyi galinta dhalinyarada khataraha uu ka mid yahay tahriibka IWM
b- ka shaqaynta kor uqaadida tacliinta qaybaheeda kala duwan.
c- In dhalinyarada waxbaratay ay helaan talooyin ka caawiya  xaga shaqadoonka,
d-  khaastan la dagaalanka Aqoon la’aanta iyo Tahriibka, sidoo kale in laga shaqeeyaan horumarinta dhalinyarada xaga tacliinta iyo shaqo abuurka.
e- waxaa laysku raacay in uu Higsigeena ama Himaladeena mustaqbalka ay noqoto in aan dhalin yarada lagu halayn waalidkii dhalay oo kaliya.

6-  Barnaamijka Horumarinta Goblka Mudug
Waxaa laysku raacay in laga qayb qaato barnaamijka horumarinta gobalka Mudug oo dawlada Puntland ee uu hormuudka u yahay Madaxwayne C/wali Maxamed Cali Gaas ay ka shaqaynayso, khaastan in laga qayb qaato sanduuqa Horumarinta Gobalka Mudug.

Baaq nabadeed

Beeshu waxay baaq nabadeed u diraysaa colaada ka socota hawdka
ee u dhaxaysa beelaha walaalaha ah ee biyaha iyo daaqaba wadaaga.
Waxaan  ku boorinaynaa Isimada, Waxgaradka,  Culumaa’udiinka  iyo dadka
maslaxda ka shaqeeya in ay u istaagaan joojinta colaadaas.
Beeshu waxay isku raacday in ay ka shaqayso xal u raadinta colaadaas.
waxaan ku baaqaynaa in colaadaas la joojiyo Isla markaasna ay Beeshu nabad kula noolaanto dhamaan beelaha ay dariska yihiin.

Dhamaad

About The Author