Faahfaahin Shir Waynihii Beesha Reer Khalaf ee Qaarada Yurub

5 Oktoober 2015 (Gothenborg) Shirwaynaha Beesha Reer Khalaf waxa uu u furnay si hor dhac ah 2dii oktoober 2015, waxaana laga dooday la islana meel dhigay Ajendiha Shirwaynaha.

Waxaana la isla qaatay inuu Ajendaha Shirka noqdo

  1. Midnimada Beesha
  2. Mashaariicda socota sidii loo Xoojin lahaa
  3. Horumarinta Degaanada ay Beeshu Degto meel kasta oo ay tahay
  4. Kor u qaadida Xiriirka iyo washaqaynta Jaaliyadaha Beesha ee Aduunka dacaladiisa
  5. Horumarinta iyo Taageerida Dhalinyarada Beesha

Waxaa ka qayb galay Shirwaynaha Wakiilo ka kala socday Jaaliyadaha Qaarada Yurub waxayna kala yihiin:

  1. Jaamac Cabdulahi Shire Ciise UK
  2. Faysal Maxamuud Ciise Xaabsay UK
  3. Yuusuf Dhamuuke Shiikh Cismaan UK
  4. Daahir Cali Cigaal Falaago Denmarka
  5. Khatar Jaamar Faarah Denmark
  6. Shiikh Cumar Tahliil Xuseen Norway
  7. Maxamuud Axmed Gurey Cali-Barre  Norway
  8. Cabdulqaadir Cabdulahi Faarax Xaange Holanad
  9. Maxamed Cabdiwaaxid Cali xaashi Owliyo Genmany (Telefon)

7

Sabtidii oo ay taariikhdu ahayd 3da Oktoober ayaa waxa uu Shirwaynuhu u Furmay si rasmi ah.
Ugu horayn Cabdiqafaar Shire Cabdile Ereg  oo ahaa xiriiriyaha Shirka ayaa kusoo dhaweeyey makarafoonka Shiikh Cumar Tahliil Xuseen si uu u Aayadaha Qu’aanka Kariimka ah u akhriyo, dadkana u baraarujiyo, loona xasuusiyo Cabsida Alle.

Kadib waxa lagu kusoo dhaweeyey Gudoomiyaha Jaaliyada Sweden Cabdisitaar Xasan Jaamac Nuur oo soo jeediyey Warbixin dheer oo ku saabsan Jaaliyada Sweden iyo waxqabadkeeda.

Intaas kadib Gudoomiye Cabdisitaar wuxuu ka codsaday Cabdulaahi Kilinbe inuu dadka usoo jeediyo Warbixin ku saabsan Mashruuca Horumarinta Bursaalax

 

Amiir Maxamuud Yuusuf Ciise

74e
Intaas kadib waxaa khadka teleefoonka uga soo qayb galay Shirwaynaha Qaraada Yurub ee Beesha Reer Khalaf Amiir Maxamuud Yuusuf Ciise isagoo ugu horayn u mahadnaqay ka soo qayb galayaasha Shirwaynaha iyo dadkii ka soo shaqeeyey, wuxuuna kadib xog kooban ka siiyey xaalada wadankii.

Amiirku wuxuu ka soo qayb galayaasha shirwaynaha ku baraarujiyey Alle ka cabsi, midnimo iyo waxqabad, isagoo ka cosaday inay dadaalkoda laba jibaaran.

 

Warbixinada Jaaliyahada Yurub

Markaas kadib ayaa waxaa la guda galay warbixino iyo xog isa siin ah wixii u qabsoomay Jaalidaha, carqabaha jira,  xalintooda iyo waxa la Hiigsanayo mustaqbalka.

Waxaana ugu horayn lagu soo dhaweeyey Jaaliyada UK oo uu u hadlay Jaamac Cabdulahi Shire Ciise (Jaamac Dheere), isagoo jeediyey warbixin dheer oo ku saabsan Jaalida UK iyo waxqabadkeeda, wuxuu kaloo ku dheeraaday:

  • Midnimada beesha
  • Baahiyaha jira iminka
  • Isla Xisaabtan

Waxaa kaloo Jaaliyada UK ku hadlay magaceeda Faysal Maxamuud Ciise Xaabsan oo ku dheeraaday sidii loo badbaadin lahaa Da’yarta Beesha maadaama ay jiraan Khatar ah Tahriibka.

Intaas kadib waxaa lagu soo dhaweeyey Jaaliyada Norway oo uu u hadlay Maxamuud Axmed Guray Cali-Barre Xidig isagoo soo jeediyey warbixin guud oo ku saabsan jaaliyada Norway iyo waxqabadkooda, wuxuu kaloo ku dheeraaday midnimada Beesha iyio sidii waxqabadka loo sii kordhin lahaa.

Waxa kale oo ku hadlay magaca Jaaliyada Norway Shiikh Cumar Tahliil Xuseen isagoo wacdiyey kasoo qayb galayaasha shirka kuna adkeeyey inay Xariga Alle haystaan.
Kadib waxaa lagu soo dhaweeyey Daahir Cali Cigaal (Falaago) oo ku hadlayey magaca Jaaliyada Denmark isagoo soo jeediyey warbixin guud oo ku saabsan Jaaliyada Denmark iyo waxqabadkeeda, wuxuuna kaloo ka hadlay sidii loo kordhin lahaa Caawin Bulshadeena.

Waxaa kaloo magaca Jaaliyada Denmark ku hadlay Khadar Jaamac Nuur Faarax Barre oo isna dhankiisa adkeeyey midnimada Beesha, Waxqabad iyo Alle ka cabsi
Waxaa iyana hadalka qaadatay Jaaliyada Holand oo uu ku hadlayey magaceeda Cabdiqaadir Cabdulaahi Faarax Xaange isagoo jeediyey warbix dheer oo ku saabasan Jaaliyada Holand iyo waxqabadkeeda isagoo ku dheeraaday sidii loo laba laabilahaa shaqada la hayo iyo waxqabadkaba.

Kadib waxaa lagu soo dhaweeyey Bashiir Abshir Gaas oo ku hadlay magaca Jaaliyada Sweden wuxuuna ku dheeraaday midnimada Beesha iyo in ahmiyada koowaad la siiyo Dhalinyarada Beesha si ay u helaan Mustaqbal ka fiican maanta.
Waxaa intaas kadib lagu soo dhaweeyey Istaahil Maxamed Jaamac  oo iyana ku hadashay magaca Jaaliyada Sweden waxayna ka hadashay Midnimada Beesha iyo in la labo laabo dadaalka socda.
Gabdhaha ka hadlay Shirwaynaha ayaa waxaa ka mid ahaa:

  1. Faadumo Cali Cigaal (Falaago)
  2. Maryan Caynshe
  3. Asiili Cabdirisaaq Xuseen
  4. Cureeji Shiikh Cismaan Cigaal

Waxayna dhamaantood ku nuuxnuuxsadeen lagama maarmaanimada midnimada Beesha iyo sidii loo xoojin lahaa dadaalada socda.

Guddi Farsamo

Intaas kadin waxaa Shirwaynuhu gudo galay xuliyada Guddi Farsamo oo soo kooba ujeedooyinkii Shirwaynaha guud ee Jaaliyadaha Yurub kuwaas oo kala ah:

  1. Jamaaca Cabdulaahi Shire Ciise
  2. Daahir cali Cigaal (Falaago)
  3. Faysal Maxamuud Ciise
  4. Cabdulqaadir Cabdulaahi Xaange
  5. Mahdi Yuusuf Dhuux
  6. Maxamuud Axmed Gurey Cali-Barre
  7. Cabdulqafaar Shire Cabdile Ereg
  8. Cabdisitaar Xasan Jaamac
  9. Cabdulaahi Cabdi Cali Madoobe (Sandiko)
  10. Khadar Jaamac Faarax
  11. Bashiir Abshir Gaas
  12. Cabdirisaaq Warsame Garwayne
  13. Yuusuf Dhamuuke Shiikh Cismaan
  14. Shiikh Cumar Tahliil Xuseen

Ugu dambayntii waxaa lagu soo dhaweeyey si uu kalmadiisa uga dhaho una soo xiro Shirka Cabirisaaq Garwayne wuxuuna ugu horayn u mahadnaqay dadkii ka soo qayb galay Shirwaynaha iyo gabdhihii shaqada aadka u quruxda badan qabtay culayska wayna uu fuulay. Cabirisaaq Garwayne ayaa wuxuu kale oo uu u mahadnaqay Aasaasayaashii Mashuuca Horumarinta Bursaalax oo uu laftigiisu ka mid ahaa isagoo Allah uga baryey inuu Naxariistiisa siiyo intii dhimatay oo ay ka mid ahaayeen;

  1. Cabdulaahi Soofe Gaani
  2. Cabdi Cali Faarax (Wiile)
  3. Cabdikaiim Ciise Yuusuf (Baqaaq)
  4. Cabdidaahir Warsame (Indhocaad)

Wuxuu kaloo u mahadceliyey inta ka qaybqaadatay Mashruuca Horumarinta Bursaalax. Ugu dambayna Cabirisaaq Garwayne ayaa kula dardaarmay kasoo qayb galayaasha Shirwaynaha Cabsida Alle, isku xirnaan iyo wadajir. Cabirisaaq Garwayne ayaa soo xiray Shirka.

Daawo sawirada

2

3

4

5

6

7

8

9

10

 

12

Sawiro dheerad ah kala soco warbaahinta Puntlandes
Puntlandes.com

About The Author