Akhriso: DFS oo magacawday Howl-Wadeennada Madasha Golaha Wada Tashiga Qaran

8 Okt 2015 (Puntlandes) Raysul Wasaaraha DFS Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke ayaa magacaabay Howl  Wadeennada Madasha Golaha Wada Tashiga Qaran oo ay ka dhex muuqdaan maamulada Sharciga ah ee Puntland, Jubaland & KGS iyo kan Galmudug oo aan buuxin sharuudii Dastuuriga ahayd.
Golahan ayaa ka kooban Shan Wasiir oo katirsan Xukuumada DFS iyo mid hal Wasiir oo iyana kasocda Maamul Goboleedyada sharciga iyo kaan sharciga ahayn , waxaa sidoo kale Golahan kamid ah Min hal Wakiil oo matalaya Xafiisyada Madaxweynaha ,Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo R/Wasaaraha.

Akhriso Magacyada HowlWadeennada Madasha Golaha Wada Tashiga Qaran

Cabdirahman Mohamed Xussein: Wasiirka Arimaha gudaha iyo Federaalka
Cabdullahi Axmed Jama: Wasiirka Cadaaladda
Xussein Mohamud Sh. Xussein: Wasiirka Dastuurka.
Mohamed Abdi Hayir Minister of Information and Tourism, FGS
Sahra Cali Samatar: Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka.
Cabdirahman Sheikh Axmed: Wasiirka dhalinyarada iyo Sportiga: Puntland
Xussein Yusuf Idow: Wasiirka Madaxtooyada: Galmudug
Mohamed Cabdullahi Mursal: Wasiirka Madaxtooyada Koofur Galbeed.
Cabdi Cali Rage : Wasiir La Xulay, Jubbaland
Mohamed Kenynan, Xafiiska Madaxweynaha
Mohamed Omar Mohamud, Xafiiska Ra’isul Baarlamaanka
Harbi Ali Kullane, Xafiiska Ra’isul Wasaaraha.

Ra’izul Wasaaraha ayaa sidoo kale Magacaabay Sagaal Xubnood oo iyana noqonaya Guddi Farsamo kuwaa oo kala ah:

Cabdiqani Abdi Jama, Xafiiska Ra’isul Wasaaraha: Isku Duwaha
Zeinab Xassan, Xafiska Madaxeynaha
Cabdukadir Yusuf Shil, Xafiiska Ra’isul Baarlamaanka
Axmed Abdirahman Hassan, Jubbaland.
Mohamed Hagi Nur (Madeer), Southwest.
Cabdishakur Mire Ali, Galmudug, Xubin.
Mohamud Mohamed Samater, Puntland .
La Taliye Farsamo, Qaramada Midoobey .
Latalite Farsamo, Qaramada Midoobey.

 

About The Author