Puntland ”Gaalkacyo waxay ka qayb galaysaa tartanka Caasimada Soomaaliya inay noqoto’’

8 Okt 2015 (Puntlandes) Dawladda Puntland ayaa sheegtay in magaalada Gaalkacyo ay u diyaar garowday tartanka loogu jiro magaalada noqonaysa Caasimada ummadda Soomaaliya.

Wasiirka hawlaha guud iyo Gaadiidka Dawladda Puntland Cabdirashiid Maxamed Xirsi ayaa yiri maruu ka hadlayey Mustaqbalka magaalada Gaalkacyo ‘’Waxaan u diyaarinaynaa  Gaalkacyo inay hanato Caasimada Soomaaliya, waa magaalo Istaraatiiji ah tartankeeda waan galaynaa’’Ayuu yiri Wasiirku.

Hadalkan ayuu ka sheegay xilli uu ka hadlayay hormarka ka socda magaalada Gaalkacyo,xilli isbadal hormarineed laga dareemayo Gaalkacyo.

Wasiirku ayaa reer Gaalkacyood ku guubaabiyey inay tartanka noqoshada Caasimada Soomaaliya  u diyaargaroobaan.

Dhagayso Wasiirka hawlaha guud iyo Gaadiidka Dawladda Puntland Cabdirashiid Maxamed Xirsi


Puntlandes.com

About The Author