Xukuumada Gaas oo Xabsiga dhigay Wariyihii labaad mudo ka yar 3 todobaad

0

 

Ciidamada Puntland ayaa Xalay waxay xabsiga u taxaabenn Wariye Faadumo Yuusuf Taxadar oo ka mid ah wariyaasha Ka howlgala Radio Daljir. Wariyaha ayaa waxaa xalay saqdii dhexe lagala baxay Hotel ay ka deganeyd Magaalada caasimada Garowe ee Xarunta Puntland

 

490

Lama garanayo ilaa iyo hadda sababta ka dambeysa xariga Taxadar balse wararka ayaa sheegaya in lagu haysto waraysi ay siisay idaacada  VOA oo ku saabsanayd ciidamo caraysnaa ee saacadaha gacanta ku hayay Telefeshinka Puntland Xaruntisa Magalada Garowe

Faadumo ayaa ahaan jirtay Agaasimihi Idaacada 1 Nation bosaso laakiin hada waxay u  u shaqeyneysay Radio Daljir ,

Ilaa iyo hadda ma jirto cid ka tirsan Dowlada Puntland oo ka hadashay xarigga wariye Faadumo Taxadar. Waa wariyihii labaad oo xukuumada Dr Gaas ay xabsiga u taxaabtay mudo ka yar 3 todobaad. Waxay cadayn u tahay ku xadgudubka xoriyada hadalka iyo Suxufiyiinta.

 

Xafiiska wararka

Puntlandes.com

 

About The Author

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *