AKHRISO-Daawo: Qodobadii laga soo saaray shirkii lagu Xalinnayey Mooshinka Madaxweynaha DFS iyadoo awoodii uu boobayey laga dhigay!!!!

13 Okt 2015 (Puntlandes) Waxaa Muqdisho maanta laga soo saaray qoraal ka kooban 10 bog oo lagu xaliyey Mooshinkii xildhibaanda qaar kasoo gudbiyeen.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in ergayga khiyaamo Qaran uu si cad u qeexayo qodobka 184aad ee sharciga ciqaabta ee u degsan dalka.

Qodobka 184-aad ee xeerka ciqaabta Soomaaliya ayaa qaba:

Qof kastoo ku kaca fal toos ah oo dhulka dowladda Soomaaliyeed gebi ahaan ama qayb ka mid ah hoos-geeya sayaadadda dowlad kale oo shisheeye ah, ama geysta fal wax u dhima madax-bannaanida ama kala dira midnimada dowladda (Waa Khiyaamo Sare oo Qaran), waxaana lagu muteysanayaa ciqaab dil ah.

 

Waxaa xusid mudan in qoraalkan lagu xakameeyey awood BOOBKII madaxweyne Xasan Shiikh iyo Dhaqaale BOOBKII.

Dhanka kale Xildhibaandii mooshinka saxiixay ayaa qaarkood waxay Sheegeen inaysan u hogaansamayn habka lagu xaliyey Mooshinkay ka keeneen madaxweynaha DFS.
103

103a

103b

103c

103d

103e

103f

103f1

103f2

103f3

103f4
Puntlandes.com

About The Author