Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo caalamka uga digay madaxda DFS Xamar

0

Madaxweynaha dowladda Jibuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa caalamka uga digay in dhaqaalaha ay ugu talagaleen ummadda Soomaaliya aysan u gacan galiyaan DFS.

.494

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa hadalkan ka sheegay shirka madaxda qaarada Afrika uga socday magaalada Washington ee dalka Maraykanka halkaas oo uu ku sugan madaxweyne Xasan Culusoow..

Madaxweynaha Jibuuti ayaa sheegay in Dowlada Federaalka Somalia inay qaadato dhaqaalo badan,kaasoo, aysan ugu faa’iideyn Bulshada Soomaaliyeed ee u baahan in wax loogu qabto.

 

Madaxweyne Geelle waxa uu sidoo kale daboolka ka qaaday in wajigii lagu siin lahaa dhaqaalaha dowlada Federaalka uu yahay xaqiijinta Ammaanka, balse ay ku fashilintay ammaanka iyo horumarka Soomaaliya.

 

Madaxweyne Geelle ayaa yiri isagoo hadalka sii wata muujinayana walaaca uu ka qabo dhaqaalihii hore loo baxshay “Waan ka digaynaa in dhaqaalaha lagu soo qaado magaca Soomaaliyeed loo gacan galiyo Madaxda Soomaaliya waayo dhaqaale aan caadi aheyn ayaa la siiyay mana muuqato waxa ay ku qabteen, Ammaanka dalka aad ayuu u hooseeya, horumarna maba dhicin’’

Dhanka kale, waxa uu Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ku baaqay in lagula xisaabtamo Madaxda Soomaaliya dhaqaalaha la siinayo, loona marsiiyo Hay’adaha arintaasi ku shaqada leh.

 

 

 

About The Author

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *