Somaliland: Wasiiro is-casiley Muranka xisbiga Kulmiye awgiis

26 Okt 2015 (Puntlandes) Waxaa is-casileen wasiiro ka tirsan golaha xukuumadda Somaliland, waxaan sababay khilaafka Xisbiga talada haya oo balaartay.

Madaxweynaha Somaliland Axmad Maxamad Maxamuud Silaanyo ayaa u sheegey musharaxiintii kale ee xisbiga Kulmiye in musharaxa xisbiga Kulmiye uu yahay Muuse Biixi Cabdi oo ah gudoomiyaha xisbiga Kulmiye isagoo fulinaya heshiis hore oo u dhexeeyey labadooda.

Go’aanka madaxweynaha Somaliland ayaa ka careysiiyey musharaxiinta kale ee xisbiga iyo tageerayaashoda taasoo sababtey in maanta is-casilaan wasiiro aad u tun waynaa Wasiirka arrimaha dibada Maxamad Biixi Yoonis iyo Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xasan.

Puntlandes.com

About The Author