Sawiro: Wafdi uu Hogaaminayo Gudoomiyaha Jaaliyada Jubaland ee Finland oo Ka qeybgalay kulan Caalami ah oo ka dhacaya Holand

26 Okt 2015 (Puntlandes) Dowladda Holand ayaa  martigalin doonto Shirka Maanta ka Furmaya wadanka holand 26.10.2015 kulan heer caalami ah oo ku saabsan taageerida dib u soo celinta nabadda iyo amniga Soomaaliya.

War qoraal ah oo ay wasaaradda arrimaha dibedda Holand soo saartay ayaa lagu sheegay in kulankaasi dhici doono 26-1..11.2015ka .

Dowladda Holand  ayaa sheegtay in kulanka ay wada guddoomin doonana midawga yurub iyo Qaramada Midoobay, ayna ka qayb gali doonaan ilaa 30 qof oo mas’uuliyiin sarsare ah iyo in ka badan

Wasaarada Arimaha Dibada Wadanka Holand, ayaa sheegay in kulanka uu horseed u noqon doono sidii Soomaaliya looga dhigi lahaa meel ka madax bannaan dagaalada sokeeye, ayna ku noqon laheyd mid nabdoon.

Dowladda Holand, ayaa horay ugu yaboohday lacag dhan 2 boqol oo milyan oo lacagta dalkaas ah si loogu taageero dadaalada horumarinta iyo xassilinta Soomaaliya oo ay ku jiraan horumarinta caddaaladda, dhiirigalinta kubaca dhaqaale iyo shaqo abuurka, la dagaalanka burcad badeedda iyo soo celinta amniga. Shirkaas ayaa waxaa nasiib u yeeshay in ay ka soo qeybgalaan 3 ka mid ah jaaliyada Jubaland ee Finland uuna hogaaminayo gudoomiyaha Jaaliyada Jubaland ee Finland Mudane Deeq Cismaan Gurxan.

 

 

unnamed

About The Author