Ilka-Xanaf “dadkii Gobolada waqooyi ka yimid oo aan taladii dalka laga qeyb gelin”

27 Okt 2015 (Puntlandes) Guddoomiyaha Maxkamadda Sare DFS Avv. Ceydiid C/llaahi Ilka-xanaf ayaa sheegay inay jiraan cabashooyin ay qabaan dadka ka soo jeeda Gobollada waqooyi ee Soomaaliya, kuwaasoo uu tilmaamay in aan laga qeyb gelin taladii dalka.

lka-Xanaf oo ka hadlayay kulan ay isugu yimaadeen siyaasiyiin iyo dadka ka soo jeeda Gobollada Waqooyi ee la baxay Somaliland ayaa sheegay in sida ay hada wax u socdaan ay horseedi karto midnimadii oo la wiiqo.

“Soomaalida dhulkeeda, goboladeeda iyo dadkeeda waa la yaqaan, Soomaalinimada iyo midnimada waxay ku jireysaa markii gobol walba ama cid walba ay talada ka qeyb gasho, hadii cid talada laga reebo, ama gobol ama degmo laga reebo oo aan lagu darin talada, macnaheeda waxa weeye Soomaalinimadii iyo midnimadii dalka ayaa la wiiqay”ayuu yiri Avv. Ilka-Xanaf oo sheegay in cabasho uga timid dadka ka soo jeeda Gobollada Waqooyi.

128aa

“Waxay dadku ka cabanayaan oo ay isugu yimaadeen oo aniga cabasho igu timid waxa weeye goboladii waqooyi ee qeyb ka mid ahaa dalkan Soomaaliya ayaa taladii waxba ku jirin, dadkii degmooyinka ama tuulooyinka matalayay ayaa talada laga reebay, hadii marka hore Waqooyi ka nimid oo talo soomaali u nimid, waa midnimadii Soomaaliyeed iyo is raacii wiiqaya inaan ka hortagno, taas weeye tan qof walba u yimid”ayuu yiri Ilka-Xanaf.

Ilka-Xanaf ayaa carabka ku dhuftay in loo baahanyahay in Taladda Dalka laga qeeb galiyo dadka Soomaaliyed ee ka soo jeeda dhamaan Gobalada Dalka, taa hadii la waayana waxa uu ka digay Midnimadda Soomaaliya in la weyn karo.

Guddoomiyha Maxakamadda Sare ee dalka ayaa sidoo kale sheegay hadii sidii loo baahnaa aan awooda dalka looga qeyb galin Siyaasiyiinta ka soo jeeda deegaanada uu ka arrimiyo Maamulka Somaliland, isla markaana laga tago ay horseedi karto sida uu yiri midnimada Soomaaliya oo kala go’da.

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka oo sii hadlayay ayaa yiri “Hadii laga tago oo la reebo oon waxba nagala weydiin ama taladeeda nagala reebo waxa weeye waa qatar, xumaan iyo midnimadii oo kala go’eyso oo la horseedo waa arkeynay waxyaabo badan oo maalmahan soo baxayay dad midnimada iyo jiritaanka dalka Soomaaliyeed wax yeelaya, waxyaabahaas ka hortageeda weeye ujeedada aan halkan u nimid”

Siyaasiyiin ka soo jeeda Gobollada waqooyi ayaa xilal isugu jira Xildhibaano, wasiiro iyo xilal kale ka haya dowladda Federaalka, inkastoo Somaliland ay sheegtay inay dadkaas matalin, isla markaana tahay dal gooni uga go’ay Soomaaliya inteeda kale, balse aan wali helin aqoonsi caalami.

Shirkii Wada tashiga ee looga hadlayay doorashada 2016 ee todobaadkii hore lagu soo gaba gabeeyay magaalada Muqdisho ayaa warmurtiyeedkii laga soo saaray waxaa ka mid ahaa in dadka ka soo jeeda Gobollada waqooyi ee Somaliland laga qeyb geliyo wada tashiyada.

About The Author