DHAGAYSO: Kooxda DAMUL JADIID oo dagaal inay ka huriyaan Gobolka Mudug ugu soo dirtay Gaalkacyo Cabdi Qaybdiid & Cabdikariin Guuleed

27 Okt 2015 (Puntlandes) Waxaa soo gaaray Koonfurta magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug Cabdikariim Xuseen Guuleed oo Kooxda DAMUL JADIID ay madax uga dhigtay maamul aan Dastuurkii lagu heshiiyey waafaqsanayn iyo Cabdi qaybdiid oo ku caab baxay Dagaal hurin.

128a
Wararka ka imaanaya magaalada Xamar ee xarunta Gobolka Banaadir waxay Sheegayaan inay KOOXDA DAMUL JADIID usoo xilsaartay Cabdikariim iyo Cabdi qaybdiid inay dagaal ka huriyaan Puntland iyo dadka dega Koonfurta Mudug iyagoo durba ka bilaabay dhiilo Colaadeed koonfurta magaalada Galkacyo.
Ugu horayn waxay Sheegeen inay fureen Garoon macmal ah oo ay leeyihiin waxaanu ka furnay Xaafada Baraxleey ee Koonfurta Gaalkacyo iyagoo ku abuuraya Shiddo.
Waxay kaloo idaacadaha marinayaan Hanjabaadyo iyo abaabul dagaal iyagoo dadka ku kicinaya dhulkiinii baa Puntland kusoo durugtay.
Warar ay heshay warbaahinta Puntland ayaa xaqiijinaya inay ka heleen Hub iyo saanad fara badan DFS oo ay KOOXDA DAMUL JADIID talada u hayso.

Dhagayso Cabdikariim oo hanjabaya, amaanayana Cabdiqaybdiid sheegayna inuu hawl la fulin doono


Dhagayso Cabdiqaybdiid oo hanjabaya sheegayna inuu caawin doono Cabdikariim lagana doonayo inuu mideeyo Mudug oo hoos keeno maamulkooda!!


Puntlandes.com

About The Author